![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Madaxweynaha oo gaaray Jabuuti
NOVEMBER 26, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Djabuuti. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Jabuuti ku soo dhaweeyay dhigiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladdaasi. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaatay madaxda dalka Jabuuti si ay uga wada hadlaan xaaladaha labada dal iyo xoojinta xiriirka.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|