|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
DAAWO SAWIRRADA:- Madaxweynaha oo dalacsiiyey saraakiil ka tirsan Ciidammada XDS

DECEMBER 21, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Munaasabad balaaran oo lagu dallacsiinayay 9-Sarkaal oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka islamarkaana lagu soo xirayay tababar ay kusoo qaateen dalka Uganda ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu qabtay xarunta madaxtooyada villa Soomaaliya.
Munaasabadana ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxaweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi, Taliyaha ciidamada XDS S/Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka.
Ugu horeyntii waxaa goobta laga aqriyay Xeerkii uu madaxweynaha Soomaaliya ku dallacsiiyay saraakiishaasi ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxaana madaxweyne Xasan Sheekh iyo wasiirka difaac ay si wadajir ah darajada xidigta ugu xireen saraakiisha la dallacsiiyay.
Taliyaha ciidanka XDS C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ka hadlay xafladda ayaa ka hadlay saraakiisha la dallacsiiyay waxa uuna sheegay in ay tababar kusoo qaateen dalka Uganda ayna haatan ku dhameysteen magaalada Muqdisho.
Wasiirka gaashaandhigga C/xakiim Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha darajada la dalacsiiyay isagoo kula taliyay in ay door muhiim ah ka qaataan dagaallada lagu ciribtirayo haradiga kooxda jabtay ee shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa khudbadii ugu dambeeysay ka jeediyay munaasabadda waxa uuna madaxweynuhu kula taliyay saraakiisha in ay ka faa’iideystaan Fursadaha ay haystaan maadaama lagu jiro xaalad dagaal oo ka dhan ah cadowga kusoo duulay wadanka.
Qaar ka mid ah saraakiishii uu madaxweynaha dallacsiiyay ayaa iyaguna saxafadda uga waramay sida ay ugu faraxsanyihiin darajooyinka la dalacsiiyay waxa ayna daboolka kaqaadeen in ay si wanagaasan oo daacad ah u gudan doonana waajibaadkooda.
Waa markii ugu horeysay ee uu madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya darajada xidigta ku dallacsiyo saraakiil ka tirsan xoogga dalka oo tababar kusoo qaatay dalka dibaddiisa tan iyo markii uu xilka la wareegay iyadoo haatan ay diyaar yihiin dhallinyaro farabadan oo soo qaatay tabaabr xirfadeysan kuwaas oo heeggan ugu jira sidii dalka oo dhan looga sifeyn lahaa kooxda shabaab iyo xulafadooda.











































Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|