|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Gaari ay leeyihiin AMISOM oo gabar yar ku jiiray Wardhiigley
NOVEMBER 16, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Gaari kuwa qafilan ee ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa duhurnimadii maanta ku jiiray gabar yar degmada Wardhiigley.
Sida ay sheegayaan wararka gaariga oo ahaa dhowr kolonyo oo marayay wadada ayaa si kedis ah ku jiiray gabadha, iyadoo durba goobta ku qudh-baxday.
Qof goob jooge ah ayaa sheegay inuu arkayay gabadha yar oo jidka si orod ku soo goysay iyo gaariga oo jiiray, iyadoo gaariga markii uu jiiray dib u soo laabtay.
Gabadhan yar oo da'deeda lagu qiyaasay 3-5 sano jir ayaa meydkeeda waxaa qaaday eheladeeda, iyadoo markii dambe gaariga jiiray ay ka soo dageen askar, kuwaasoo haatan ku sugan saldhiga degmada Wardhiigley.
Ma jirto ilaa iyo hada cid war ka soo baxay AMISOM oo ku aadan shilka uu galay mid ka mid ah gaadiidkeeda, hase ahaatee dhowr bilood ka hor ayay aheyd markii mid ka mid ah gaadiidkooda uu nin da' ahaa ku jiiray inta u dhaxeysa Xamar weyne iyo Xamar Jajab, gaar ahaan wadada aada dhinaca Dekeda.
Ma ahan markii u horeysay ee gaadiidka AMISOM ay dad ku jiraan Caasimada, waxaana jirta in dhowr jeer oo hore ay ka hadleen shilalkan saraakiishooda, waxaana sanadkii 2011 gabar yar ay ku jiireen degmada Kaaraan ay ku soo daweeyeen magaalada Nairobi, markii jab uu soo gaaray lugaha gabadha ay jiireen.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|