![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Qarax ka dhacay magaalada Nairobi
NOVEMBER 18, 2012 (Radfiofreesomalia.com) -Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay xaafadda islii ee magaalada Nairobi. Wariyaha Radio Muqdisho ee magaalada Nairobi Cilmi Waare ayaa ku soo warramaya in inta la ogyahay 5 qofood ay ku dhinteen qaraxan oo ka dhacay xaafadda section 1, oo ka tirsan degmada Kaamakunji oo ay Soomaalidu ku badan tahay, Ku dhawaad 20 ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxa oo ka dhacay meel ku dhow Kaniisad lagu magacaabo St Teresa. Ciidamada Booliska dowladda Kenya ayaa baaritaano ka wado goobta uu qaraxa ka dhacay. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|