![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Qaxooti Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan dalka Holand
DECEMBER 12, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Somali magangaliyo doon ah oo ku sugna Xeryaha qaxootiga Wadanka Holland ayaa bananka la soo dhigay kadib marki wasaarada Dadkan dhibaatada ugu weyn ee haysata waa ayago anan haysan qalab ay iskaga difaacan qabowga xad dhaafka ah ee ka dhacaya Wadanka Holland, Looma ogola dadkan in ay shaqaystaan Dowladana ma siiso wax lacag ah oo ay ku nooladan waxyabaha aadka looga xumaado ee dadkaan heysta ayaa waxaa ka mid ah ayagoo laga burburiyay teendhooyin ay ka dhisteen Bariga Magaalada Amsterdam, isla markana Xabsiga lagu wada guray, iyadoo 5 sac ka dib la soo daayay. Dadkaan uma gudbi karaan wadamada kale ee Yurub sababto ah waxaa markiiba laga helaya faraha Wadanka Holland, waxaana sida sharciga ah dib loogu soo celinaya wadanka Holland. Arinta kale ee la yabka leh ayaa ah Barlamanka wadanka Holland oo todobaadkii la soo dhaafay u fadhistay Labo mooshin oo kala ah in Xayawaanada dibad joog ah la geeyo meel ay ku noolaadan inta qabowgu dhamaanayo iyo in Qoxootiga Somalida ah ee Bananka yaala lagu celiyo Kaamamka Qaxootiga ee horay looga soo saray Madaama uu dhacayo Qabow daran. Arinkan ayaa waxaa uu noqday hadal haynta ugu weyn wadanka Holland todobaadkii aynu soo dhaafnay waxaana caro ka muujiyay go’anka Barlamanka Muslimiinta ku nool wadanka Holland oo u badan Marocan iyoTurki. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|