![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Dadka ka soo laabanaya dalka Kenya oo soo badanaya DECEMBER 31, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Waxaa aad u soo badanaya dadka Soomaalida ah ee ka soo Laabanaya dalka Kenya kadib markii dowladda Kenya ay Soomaalida ku wargelisay in ay ku laabtaan xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab. qoysaska dib ugu soo laabanayo gudaha dalka Soomaaliya kadib markii dowladda dalka Kenya ay shaacisay in dhamaan Qaxootiga dagan magaalada Nairobi ay dib ugu laabtaan xeryaha dalkaasi markii xaafadda Islii ay ku soo bateen qaraxyada ka dhacayo. Qaar ka mid ah dadkaasi oo la hadlay warbaahinta Qaranka xili ay ku guda jireen u diyaar garoowga safarkii ay dalka dib ugu soo laaban lahaayeen ayaa sheegay in dhibaatooyin ay kala kulmeen ciidamada amaanka dowladda Kenya xiliyada ay baaritaanada ka wadaan xaafadda Islii. Dhanka kale shirkadaha diyaarahada ee xafiisyada ku leh magaalada Nairobi ayaa tilmaamay in uu aad u soo badanayo tirada dadka aaday dalka kuwaas oo si weyn u buux dhaafiyay xafiisyada shirkadaha. dowladda Kenya ayaa horay u shaacisay in dadka dagan magaalada Nairobi ay dib ugu laabtaan xeryaha qaxootiga ee ka dhisan dalkaasi. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|