Codka Beesha

 



 

Madaxweyne DKFS C/llaahi Yuusuf oo shalay kulan la yeeshay hogaamiyeyaasha Hawiye

Jan 17.2004 Radio Free Somali (RFS)

Waxaa shalay kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya madaxweynaha dowladda FKMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed & hogaamiyeyaasha beelaha Hawiye uga jira dowladda, wuxuuna kulankaasi ahaa kulan adag oo leysku xiiqay, iyada oo lagaga wadahadlayey halka ay dowladdu tegeyso marka ay magaalada Nairobi ka laablaabato, waxaana xubno ka mid ah hogaamiyeyaasha wasiirada noqday ay ka codsadeen madaxweynaha in tegista magaalada Muqdisho ee dowladdu in aysan noqon wax muran geli kara.

Hogaamiyeyaasha Hawiye & madaxweynaha ayaa si saraaxad leh kaga dooday caqabadaha dowladda soo wajihi kara haddii ay tagto magaalada Muqdisho oo ammaankeeda aanan leysku haleyn karin, wuxuuna madaxweynuhu tusaaleeyey in aysan suurtagal aheyn in magaalada Muqdisho oo aanan hubka laga uruurin in uu dowladda u hor kaco, isagoo ku yiri hogaamiyeyaasha Hawiye haddii ay daacad idinka tahay in dowladdu degto Muqdisho waa in aad ka dhigtaan magaalo xasiloon oo ay dowladi iman karto, waana in aad hubka meel isugu geysaan, guryaha xooga lagu degan yahay & guryaha dowladda-na aad wareejisaan, isla markaana dekadda & garoonka dayuuraha lagu wareejiyo ciidamada ajnebiga ah ee dalka tegaya, wuxuuna sheegay madaxweynuhu haddii uu tegayo Muqdisho in aanu degeyn guri kiro ah balse uu madaxtooyada ku degayo, wuxuuna ka codsaday wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Ceydiid oo maleeshiyooyin taageersan ay gacanta ku hayaan Villa Soomaaliya in uu isna ku wareejiyo ciidamadda ajnebiga ah ee ilaalinaya ammaanka dowladda, haddii sidaa la aan la yeelina aysan dhici karin in uu u babac dhigo tegista Muqdisho.

Xubno ka mid ah hogaamiyeyaasha Hawiye ayaa kulankaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa wasiirka amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax oo u sheegay madaxweynaha in wasaaradiisu u xilsaaran tahay ilaalinta ammaanka Qaranka & mas’uuliyiinta dowladda-ba, wuxuuna garowshiyo ka muujiyey in xaalado qatar ah oo sida loo buun-buuniyeyna aysa Muqdisho ka jirin, balse uu ka rajo qabo maadaama dhammaan hogaamiyeyaasha kooxaha Muqdisho ay yihiin kuwa ka tirsan dowladda in dowladu ay taageero ballaaran ka hesho shacabka ku dhaqanka Muqdisho, isla markaana hogaamiyeyaashu ay hubkooda ku wareejinayaan dowladda, wuxuuna ku nuuxnuuxsday in ay iyagu iska xil-saarayaan xasilinta magaalada, haddii-se buu yiri ay dowladdu ku dhiirato in ay u guurto magaalo kale waxaa dhici karta caqabado wax fashilin kara.

Kulankaasi ayeysan soo xaadirin qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha beesha Mudulood oo ay ka mid ahaayeen Muuse Suudi Yalaxow & Eng. Max’ed Xuseen Caddow, waxaana lagu kala tegay iyadoo aanan wax heshiis buuxa laga gaarin waxyaabihii lagaga wadahadlay

R/W Geedi iyo dhamaan hogaamiyeyaashi shirkaa fadhiyay ayaa waxay balan qaadeen iney ka sii shaqeeyaan wixii qilaafaad ah ee beesha ku dhex jira xalna ay ka gaari doonan oo aysan marnaba ka quusanayn .

webmaster@radiofreesomalia.com








Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   



Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com | Copyright © 2004 radio free somalia. All rights reserved.