 |
|
Wararka
Aduunka:-
Qubanaha Talaadada.
By: (Xassan Carab)
Nov,29.2005 Radiofreesomalia
SOMALIA
JOWHAR.:-
SHIRKA Wasiiradda arrimaha debedda ururka goboleed Igad ayaa
lagu qabanaayaa maanta Caasimada ku meel gaarka ah Somaaliya
Jowhar,ahna fadhigga Madaxweynaha iyo Ra,iisal Wasaaraha.
Wufuud ka kala socota Dalalka Itoobiya, Kenya iyo Ugandha
ayaa Shalay galabka soo degay garoonka dayuuradaha jowhar,
sidda la Xaqiijiyeey Waxaa waftiga Itoobiya hogaaminaayeey
Wasiiro Dowlaha arrimaha debedda, kala wufuuda kenya iyo Ugandha
eey kala hogaaminaayeen Safiiradda Somaaliya u fadhiya.
Shirkan ururka Igad ayaa hadda ka hor u baaqaday Xaalada qasan
ee ka taagan Dalka Itoobiya, garabka jowhar fadhiya oo aqlabiyada
Dowladda Somaaliyeed ah eey arrintanu guul weyn u tahay, iyadoo
Cadeeyneeysa Amaanka iyo xasiloonidda ka jirka Magaaladaas.
SOMALIA
KISMAAYO :-
Magaalada Xeebaha ee Kismaayo oo ka mid ah Magaalooyin ugu
Waaweyn uguna caansan Dalka Somaaliya,uuna ka taliyo hogaanka
Isbaheeysiga Dooxada Juba ee uu Madaxda ka yahay Xildhibaan
El- Wasiir Barre Aden Shire(Barre Hiraale) ayaa u muuqata
Magaaladda Laga qaban doono wada hadalada labada garab ee
dowlada Somalia ee Khilaafku Dhex-yaalo.
Garabka Jowhar ee Madaxeyne C/Laahi Yuusuf Axmed Iyo Geedi
Ra,iisal Wasaaraha ayaa cadeeyeey in eey ogol yihiin in lagu
wadda Haldo Kismaayo, garabka Muqdisho ee Gudoomiye Shariif,
Qanyarre Iyo Suudi Hogaamiyaan ayaan weli la heyn go,aankoodii
inkastoo la Sheegaayo in aqlabiyadu ogoshay Magaaladda Kismaayo,
Arrintanu Hadii eey Hirgasho oo Khilaafka la xaliyo waa Guul
Alle Loogu Mahad Celinaayo, Amaanteedana uu iska Leeyahay
Mudane-Barre Hiraale Wasiirka Dib u dhiska Dowladda Somaaliya.
UGANDHA
:-
Dalka Ugandha ayaa Maxkamada Ciidamada la soo taagay ninka
Hogaamiya Mucaaradka Dalkaas, iaydoo lagu eedeeynaayo Arrimo
lagu tilmaamay khiyaano qaran iyo gacan ku yeelashada xoogaga
Hubeeysan oo dowlada dagaalka ku la jirra.
Dacwadan ayaa ah mid had iyo jeer lagu eedeyo Hogaamiyaasha
Mucaaradka Qaaradda Afrika, xukunkeeduna yahay Dil ama Xabsi
Abadi ah, Mucaaradka dalkaas ayaa ku tilmaamay talaabadan
mid Madaxweynaha Dalka Ugandha uu arrimo Siyaasadeed ka leeyahay
loogana jeedo in Hogaamiya Mucaaradka looga reebo doorashadda
loo socoto ee Madaxweyne-nimadda Dalkaas.
Ugandha ayaa ka mid dowladaha bariga afrika oo xukunka habka
Keligii taliyenimodu ka jirto, si weyna loogu cadaadiyo mucaaradka
iyo Shakhsiyaadka ka soo hor-jeesta habka maamul iyo nidaamka
jirra, Garsoorayaasha Maxkamadda dalkaas ayaa ku baaqay shaqo
Joogin dhammaan hey,adaha shrcigga ee Dalka Ugaandha iaydoo
ka Cadheeysan Habka Xukuumadu u Dhaqmeeyso, sharcigana ugu
Xadgudbeeyso.
DUNIDDA
CARBARTA IYO HANAANKA DIMUQRAADIYADA:-
Warbixin dhowaan soo baxday kuna saabsaneyd habka loogu Dhaqmo
nidaamka Dimuqraadiya iyo habka Axsaabta badan ee Dunida Carbeed
ayaa Dalka Libnaan ku tilmaantay midka ugu ku Jirra Kaalinta
1-aad ugu hanaan siyaasadeed wanaagsan oo eey ka Dhacaan Doorashooyin
habka Xisbiya badan ah, halka kaalinta ugu Dameeysana eey
Gashay Dalka Liibiya ee Col-Qadaafi ka Taliye oo Lagu Tilmaamay
mid Nin Keliya iyo Xisbi keli u Af-duuban.
Dowladaha Khaliijka ayaan laga ogolaan xisbiyadda siyaasadeed
iyo Doorashooyin Xukunka loo galo, waxaan lagu dhaqaa hab
xukun Qoys oo Dhaxal-tooyo ah, iyadoo la ogyahay in qoorkood
haweenku Cod iyo Xuquuq-toona ku laheyn, dalka Emaaraadka
ayaa dhanka Horumarka Dhaqaalle iyo casriyeenta dalka heer
sarre ka gaaray iyo Habka daryeelka caafimaad ee muwaadiniinta,
inkastoo fusuqo ku Soo badanaayo.
ITOOBIYA:-
Dalka Itoobiya oo jeelasha lagu hayo dhammaan mucaaradkii
Hogaaminaayey axsaabto siyaasadeed ee dalka ka jira oo weliba
Qaarkood ahaayeen Xildhibaano ku geeleeystay doorashadii golaha
Barlamaanka ee muranka weyn dhalisay, ayaa bilaabay cunto
ka Soomida.
Talaabadan ayaa ah cabasho dhabka Cuntada iyo qolalka jeelka
oo aan habeysneyd, gogol laheyn, nadaafadiisuna aad iyo aad
u Liidato, Hogaanka dalka Itoobiya ayaa u muuqda mid ku socda
ama u dhaqmaaya habka nidaamka diktaatooriyada hadheeysay
Afrika Iyo Dunida Sexdexaad, Iyadoo laga cabsi qabo in uu
dib u bilabmo Dagaal Xuduuda ku saabsanaa ee u Dhexeeyey Itoobiya
iyo Dalka Ereteriya.
CIRAAQ:-
Dalka Ciraaq ayaa dib looga bilaabay Maxkamadii Diktaatorkii
Laga tuuray xukunka dalkaas Sadaam Xuseen iyo Raxan ka mid
ah Rukumadii xukunkiisii Tacadiyada badnaa ee Mudada Dheer
Dadka Reer Ciraaq Dhibka badan soo mariyeey, laakiin dalka
horumariyeey
Maxkamadan oo eey iska maamulanaayeen Dowlada Mareykanka iyo
Xulufadeed eey meesha dhigatay ayeey ku tilmaameen Kooxdi
ama Qareenadii Difaaceeysay Sadaan mid aan sharci aheyn oo
aan la ogolaan kareen, maadaama Dalkuba ku jiro gacan shisheeye.
Qeybta Dacwadon ayaa ku sabsan Xasuuq loo geeystay Dadka ka
Soo Jeedda qoomiyadda shiicada sanadkii 82-kii mar uu booqasho
ku maraayeey degaamadooda Madaxweyne-Sadaam oo la damcay in
la khaarajiyo, kadibna Ciidamadda Sirta iyo ilaaladda gaarka
ahi Xasuuqeen dad gaaraaya 150 qof oo isu jira odayaal,haween,caruur
iyo Dhalinyo, Sadaam ayaa u cadeeyeey garsoorka maxkamada
in loo la dhaqmo hab ka baxsan bani-aadaminimada oo eey ilaaladda
Mareeykanka ahi cadibaad badan ku hayeen.
Sadaam Xuseen iyo Dhammaan Hogaamiyaasha Dadkooda ku Tacadiya
ayaan mudnaan wax naxariis ah, laakiin dalka ciraaq ayaa Xaq
u leh hanashadda xoriyadiisa iyo in dadkiisu nalol wanaagsan
helaan oo xurmo iyo sharaf leh.
CIYAARAHA:-
Xidiga Kooxdda Barcalona iyo Dalka Brazil Rolandino ayaa ku
Guuleeystay Ciyaartooygii sanadkan 2005 ee Qaarada Yurub oo
uu ku muteeystay ciyaar wanaaga iyo guulaha badan ee uu kooxda
Barcalona u soo hooyeey iyo Qaranka Dalkiisa Brazil.
Xaflad Balaaran oo ka dhacay Magaalada Paris dalka faransiiska
ayaa lagu gudoonsiiyeey Kubadda Dahabka Xidigan Weyn Rolandino
oo isla markaan ah Ciyaartooyga ugu wanaagsan aduunka ee 2005,
lana filaayo in uu ciyaaraha Koobka Aduunka ee ka dhici doona
dalka Jarmalka bartamaha 2006-ka ka dhigo wacdo iyo qaab ciyaareed
Xiiso badan leh.
Mar uu hadlay ayuu yrri:-waxaa igu Muhiimsan in Dadka Jeceyl
Kubada cagta ku raaxeeystaan Qaab Ciyaareed keeyga iyo Habka
Wanaagsan ee aan Garoomada ku Soo Bandhigo, Runtiina ww u
Qalmaa Xidiga Abaal marintaas iyo kuwo kaleba Rolandino ama
Qoslaaye.
XULKA QARANKA SOMAALIYEED:-
Xulka Qaranka Somaaliyeed ee Kubada Cagta ee ka Badiyey Xulka
Dalka Jabuuti Ciyaar ka mid aheyd tartanka Qaramada Bariga
Iyo Bartamaha Afrika 2-1 ayaa Guushu ku Raacay Dhalinyaradii
ka Socotay Somaaliya.
Guushay ayaa ah mid ahamiyadeeda leh oo dardar gelin karta
Xulka Somaaliya in eey kulamada kaleba Guulo gaaraan la filaayo,
Iyadoo la wadda ogyahay xaaladda ka jirta dalka somaaliya
iyo kala jabka Xiriirka Somaaliyeed ee Kubadda Cagta, daryeel
la,aanta iyo Qalab la,aanta weyn ee heeysata Xulalka Qaranka
iyo Kooxaha ama Naadiya Somaaliyeed, ayaa Xulku Guul soo Hooyeey
Weyna ku Amaanan yihiin, waxaana leeyahay Hambalyo Ciyaartooyga
iyo Macalimiin toodba, Dadka Somaaliyeedna waxaan u soo jeedinaayaa
in Taageero hiil iyo hoo ah isla garab taagaan Xulka Dhalinyar
ee Qaranka Somaaliyeed, Guuleeysta.
-Qubnaha Talaadadda-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
"hassan sharif" sharifhassan50@yahoo.co.uk
|
 |