![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Ra’isulwasaaraha Dalka Oo Maanta Ka Qeybgalay Munaasabad Ay Wasaarrada Cusub Xilka Kula Wareegayeen
NOVEMBER 18, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta ka qeybgalay munaasabaddo ay xilka kula wareegayeen Wasiirrada cusub ee Wasaaradaha Warfaafinta iyo Garsoorka taasi oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta. Ugu horeyn munaasabadda ayaa waxaa xilkii ku wareejiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed Jahweyn ayadoo uu xilka kula wareegay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta C/qaadir Xuseen Maxamed Jahweyn oo munaasabadda Khudbad ka jeediyey ayaa ku ammaanay Shaqaalaha Wasaaradda sida hagar la’aanta ah ee ay ula shaqeeyeen mudadii uu xilka hayey waxaana uu dhanka kale Jahweyn faah faahin ka bixiyey waxqabadkii Wasaaradda. Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi oo Munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ammaan iyo bogaadin u jeediyey shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta xaaladii adkeyd ee ay usoo dhabar adeygeen waxaana uu xusay Wasiirka in Warfaafinta ay dalka uga jirto door muhiim ah. Dhanka kale Wasiirkii hore Wasaaradda Garsoorka,Cadaallada,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumaddii KMGka aheyd Mudane Axmed Xasan Gaboobe Ugaas Bile ayaa mintii munaasabadda ay ka socotay hoolka shirarka ee Xarunta Wasaaradda Warfaafinta waxa uu xilka ku wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Garsoorka Mudane C/laahi Abyan Nuur. Mudane Axmed Xasan Gaboobe Ugaas Bile Wasiirkii hore ee Wasaaradda Garsoorka oo munaasabadda Khudbad ka jeediyey ayaa ka sheekeeyey qaabka ay u shaqeyso wasaaradda isaga oo wasiirka cusubna ka codsaday inuu xooga saaro sidii wax looga qaban lahaa xabsiga dhexe iyo soo nooleynta Garsoorka dalka. Wasiirka cusub ee Wasaaradda Garsoorka Mudane C/laahi Abyan Nuur oo Munaasabadda Khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn ku ammaanay wasiirkii ka horeeyey shaqada ay Wasaaraddu qabatay waxaana uu ballan qaaday inuu si hufan usii dhaqaajin doono howlaha lasoo bilaabay. Ugu dambeyntii Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacdi) oo munaasabadda Khudbad ka jeediyey ayaa ku ammaanay Wasiirradii xilka wareejiyey xaaladihii adkaa ee ay kusoo shaqeeyeen waxaana uu Ra’isulwasaaruhu ku guubaabiyey Wasiirrada cusub iney howsha halkeedii kasii dhaqaajiyaan. Munaasabadda xil wareejinta aheyd ayaa intii ay socotay waxaa ay fanaaniinta hoboladda qaranka ee Waaberi kusoo bandhigeen sugaan ka hadleysay waxqabadka Wasaaradda Warfaafinta waxaana ay kusoo gebageboowday Munaasabadda jawi heer sare ah. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|