|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Ra'iisul Wasaare Saacid oo sheegay in dowladda ay siyaasad guud ka damacsan tahay Jubooyinka

DECEMBER 30, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon oo shalay khudbad dheer u jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aadan gobolada, isagoo cadeeyay in xukuumadiisa ay wado qorshayaal maamulo loogu sameynayo gobolada.
Mr Saacid ayaa sheegay in Xukuumada ay wafdi heer wasiiru ah u dirtay magaalada Kismaayo, isla markaana bulshada deegaanka ay si weyn u soo dhoweeyeen, isagoo xusay in dowladda ay hogaankeeda qaadan doonto maamul u sameynta Jubooyinka.
“Xukuumaddu waxay wafti balaaran u dirtay magaalada Kismaayo waxayna la kulmeen soo dhaweyn balaaran oo dadka deeganku aysan u kala harin, waxay kulamo la qaateen bulshada qaybaheeda kala duwan waxaana waftiga dowladda dadku ku dhaqan magaalda Kismaayo u muujiyeen sida ay u garab taagan yihiin"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Saacid oo intaa ku daray in dhiig dambe aan ku daadan doonin Kismaayo, isla markaana dadku ay nabad ku wada noolaan doonaan.
Waxaa uu sheegay Ra'iisul Wasaaruhu in degmooyika kale ee Jubooyinka ka saari doonaan Al-Shabaab, si dadka deegaanka ay nabad ugu horseedaan, isla markaana dalka oo dhan ay ka xoreeyaan sida uu yiri.
Sidoo kale Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda siyaasad guud ka damacsan tahay gobolada Jubooyinka, isagoo tilmaamay in dowladda ay qaadaneyso doorka maamul u sameynta Jubooyinka, isla markaana lagu heshiiyay.
Ra'iisul Wasaare Saacid ayaa tilmaamay in dowladda ay qorsheyneyso inay wafdi ballaaran u dirto Gobolada Dhexe, isla markaana gacan uga gveysato sidii lagu dhisi lahaa maamul ay dadka raali ka yihiin.
Dhinaca kale Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhowaan ay dib u bilaaban doonaan wada hadaladii u dhaxeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, waxaana uu intaa ku daray in wada hadaladaas rajo wanaagsan laga qabo inay ka soo baxaan natiijooyin wanaagsan.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|