|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Wasiirka Arrimaha Dibada Iraan Oo Sheegay In Safaarad Ay Ka Furanayaan Soomaaliya “Sawirro”
NOVEMBER 14, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Iraan oo maanta soo gaareen Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in safaaradda Iraan laga furayo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Wafdiga Iraan ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iraan Cali Akbar Saalixi waxaa markii ay soo caga dhigatay Diraaddii waday Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Airport soo dhoweeyay wasiirro ka tirsan xukuumaadda oo uu ka mid ahaa wasiirka difaaca dalka, wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka, wasiirka Maaliyadda iyo wasiirro kale.
imaanshaha wafdiga ka dib ayaa waxaa shir jaa’id wada qabtay, wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Cali Akbar Saalixi iyo wasiirka maaliyada Soomaaliya waxaa ugu horeyn saxaafadda la hadlay Cali Akbar waxa uuna sheegay in magaalada Muqdisho ay dowladda Iraan ka furan doono safaaradda ayna ka hirgalin doono xarun caafimaad oo lacag la’aan ah si loogu daweeyo dadka.
Cali Akbar ayaa intaa ku daray in booqashada uu Muqdisho ku yimid ay tahay tii labaad uuna ku faraxsanyahay sida diiran ee loogu soo dhoweeyay.
sidoo kale wasiirka maaliyada Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay wafdiga ka socday dalka Iraan isagoona xusay in dowladda Iraan ay Soomaaliya ka caawisay dhan walbi xiligii dalka ay ka dilaaceen abaaraha.
Taalabada dowladda Iraan ay ku dooneyso in ay dib uga furato safaaradda iyo xarun caafimaad ay ka hirgaliso dalka ayaa waxa ay qayb ka tahay caawimaada dalka Iraan ay ugu talagashay shacabka Soomaaliyeed, waxeyna Iraan ayaa ka mid tahay dalalka Caalamka ee horey u ballan qaaday in ay caawin doonaan dowlada Federalka ee Soomaliya iyo shacabkaba.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|