![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Malleeshiyaadka Shabaab Oo billaabay in ay gadoodaan’Dhageyso Warbixinta’ January 30, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Markii kooxda shabaab ay ku jabeen dagaalladii ugu dambeeeyay ayeey maleeshiyaadka kooxdu waxa ay billaabeen in ay gadoodaan gaarna ula baxaan hubka iyo gaadiidka kadib markii ay waayeen gunnadi iyo dhaqaalihi ay heli jireen. Melleeshiyaad ka tirsanaa shabaab oo wata 7 gaadiidka dagaalka ah ayaa maalintii shalay ka soo gudbay deegaanka Kaxda iyadoo sida la sheegay hore u soo dilay 4 ka tirsaanaa malleeshiyaadka shabaab qoryihiina ka soo qaatay. Kadibna waxa ay maleeshiyaadkaasi oo doonaya in ay isa soo dhiibaan israsaaseeyeen ciidamada XDS ee ku sugan duleedka Xoosh. Kooxdaasi ayaa la xaqiijiyay in ay fariisin ka sameyseen deegaanka Kaxda iyagoo doonaya in ay isu soo dhiibaan dowladda sida ay muujinayaan ila wareedyo lagu kalsoonaan karo. ilaa 200 oo kale ayaa iyagana la shageeyay in ay soo degeen duleedka qubuuraha barakaat kuwaas oo wata hubkooda isla markaana doonaya in ay isu soo dhiibaan dowladda. Kooxda Sadexaadna waxey soo degeen duleedka Kaaraan kuwaas oo doonaya in ay isu soo dhiibaan ciidamada dowladda, in kastoo aaneey dowladdu wax war ah ka oran haddana waxey u muuqataa in saraakiisha dowladdu ay si taxdar leh arinta u eegayaan. Malleeshiyaadka Ajaanibta ah oo iyagu xalay ku soo baraarugay gadoodka malleeshiyaadkaasi ayaa weeraray meel ay xalay ku shirayeen Xasan Daahir iyo Cali Dheere iyagoo ku eedeynaya in ay iyagu ka dambeeyeen gaddoonka malleeshiyaadkaasi, waxeyna u kaxeysteen magaalada Marka, iyadoo warar soo baxayana ay sheegayaan in ajaanibtu ay xireen Xasan Daahir, sida ay muujineyso xog uu helay Radio Muqdisho. Dhageyso Warbixinta oo Maqal ah Si kastaba ha ahaatee gadoodka malleeshiyaadka shabaab ee u hanqal taagaya in ay iyaga iyo hubkoodu isu soo dhiibaan dowladda ayaa muujineysa in la joogo xilligii burburka kooxda oo iyadu laf dhuungashay ku noqotay nabadgelyada dadka iyo dalkeenna. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|