![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Al-shabaab oo wali dhallinyarada ku qasbeysa in ay dagaalamaan.WARSAXAAFADEED
JANUARY 12, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Warbixinnada ay Dowladda Soomaaliya Isbuucii la soo dhaafay ay ka heleysay dadka ku dhaqan gobollada Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose iyo qeybo ka mid ah Gobolka Gedo, kuwaa oo wali ay maamulaan kooxaha xagjirka ah ayaa sheegaya in Al-shabaab ay dhalinyarada iyo carruurta ku qasbayaan in ay kala qeyb qaataan dagaalada aan u jeedka lahayn oo ay kala soo horjeedaan ciidamada dowladda iyo kuwa isbaheysiga la ah. Gawaari ay ku xiranyihiin codbaahiyayaal ayaa loogu hanjabaayay dhalinyarada, hadii aysan sida ugu dhaqsiyaha badan ugu biirin dagaalka in ay wajihi doonaan ciqaab daran. Arrinka kuma ekaan Iskuulada caadiga ah oo kaliya, balse waxa ay gaartay in ardayda dugsiyada Qur’aanka ee da’dooda sida caadiga ah, eysan ka weyneyn 13 sano, in ay ku qasbaan in ay ku biiraan iyaga si ay ugala qeyb qaataan dagaalada dhanka ka ah Islaamka, bur-burinayana Soomaaliya. Falalkaan ayaa ka dambeeyay, kadib markii ay guul darro kala soo kulmeen dagaalada ay isbuucyadii iyo bilihii la soo dhaafay aagag badan kula galeen ciidamda Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa isbaheysiga la ah.
Dhamaad Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|