![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Maleeshiyada shabaab oo bilaabay afduubka dhalinyarada ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo Sh/sare
DECEMBER 22, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Maleeshiyada al shabaab ee kudhuumaaleysaneysa meelo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha sare ayaa bilaabay in ay qafaashaan dhalinyarada ku dhaqan degmooyinka Buulaburte iyo Maxaas oo ka kala tirsan gobolada Shabeelaha Sare iyo Hiiraan. Kooxda shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Sh/sare ayaa bilaabay Qafaal ay ku u geysanayaan dhalinyarada ku nool goobaha yar yar oo ay kaga sugan yihiin goboladaasi si ay ugu adeegsadaan dagaalada fidnada ah oo ay ka hurinayaan dalka. Deegmooyinka ay kooxda awoodooda la wiiqay ka bilaabeen afduubka ayaa waxaa ka mid ah dagmada B/barte iyo Maxaas waxaana qaar ka mid ah dhalinyarada oo gaaray magaalada B/weyne ay sheegay in dhibaatooyin xoogan u geystaan shabaab dhalinyarada. Dhalinyradii ka baxsaday kooxda shabaab ee ku sugan B/weyne oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in shabaabka ay ku amreen in ay ka qeyb qaataan dagaalada fidnada ah. Kooxda shabaab iyo xulufadooda ayaa inta badan qafaal u geysato dhalinyarada markii looga itaal roonaado dagaalada ay ka wadaa deegaanada yar oo ay kaga harsan yihiin dalka balse ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa wacad ku maray in ay ciribtirayaan maleeshiyada xagjirka ah ee ku abtirsata ururka al-qaacidda. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|