![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiinayay Ciidamo Tarafiko ah oo lagu qabtay Muqdisho
JANUARY 5, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiinayay qaar ka mid ah ciidamada Nabadgelyada waddooyinka iyadoo munaasabadaasi ay ka qeybgaleen Mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada Howlaha guud iyo Gaadiidka. Munaasabaddaasi oo si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana lagu qabtay Xarunta Fisho Taraafiko ayaa waxaa ka qeybgalay Saraakiisha Ugu sareeysa Ciidamada nabadgelyada wadooyinka iyo Agaasimaha waaxda Gaadiidka ee wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka Maxamed Cismaan Cali ‘’Dhagaxtuur’’. Taliyaha ciidamada nabadgelyada Waddooyinka Jeneral Cali Xirsi Barre oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday waxqabadka ciidamada nabadgelyada Waddooyinka, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in dhowaan ay ku howlgelidoonaan qalabkii lagama maarmaanka u ahaa howlahooda. Agaasime Dhagaxtuur ayaa Shahaadooyin guddoonsiiyay Askar ka tirsan ciidamada nabadgelyada oo lagu soo xulay howlkarnimo dheeraad ah oo ay muujiyeen kuwaas oo isugu jiray Rag iyo Dumar. Sidoo kale waxaa halkaasi Shahaadooyin lagu guddoonsiiyay ku dhawaad Labaatan Askari oo ka mid ah ciidamada nabadgelyada waddooyinka ee Taraafikada taas oo lagu dhiirigelinayay ciidamada, iyadoo loo eegay waxqabadkooda.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|