|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Wasaaradda Ganacsiga oo sheegtay in Shati la’aan aan dalka badeeco lasoo galinkarin lagana dhoofinkarin “sawirro”
DECEMBER 26, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u sheegtay in ganacsatada Soomaaliyeed ay qaataan Ruqsada Ganacsiga oo qiima dhimis lagu sameeyay.
Kadib kulan ay isugu yimadeen wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha, agaasimaha guud ee wasaaradaasi, agaasime waaxeedyada wasaaradaasi iyo taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuurta ayaa kulankooda looga dooday qaabkii loo dardar galin lahaa qaadashada Shatiga Ganacsiga.
Maxamuud Axmed Xasan wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeyo ay ganacsatada qaadan karaan shatiga wasaaradda.
Sidoo kale C/llaahi Xayir Ducaale agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ayaa tilmaamay wasaaradda oo ka jawaabeyso cabashada ugu timid ganacsatada Soomaaliyeed taas oo ah in ay qiimo dhimis ku sameeyaan qarashka lagu sameeyo Shatiga oo laga dhigay 300 oo dolar halka markii hore ay aheyd 2.800 oo dolar.
Go’aanka ka soo baxay wasaaradda wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ayaa ka dambeeyay kadib markii ay dhawaan golaha wasiirrada ay go’aamiyeen in la dhimo qiimaha lagu qaadanayo Ruqsada ganacsiga maadaama dad badan oo ganacsato ah ay awood u laheyn bixinta qarashka.














Photo By Maxamed C/qaadir Daahir
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|