|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif iyo Qoyskiisa oo maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho

NOVEMBER 16, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyadoo labo diyaaradood ay kala qaaday isaga iyo qoyskiisa oo tan iyo markii looga guuleystay doorashadii September ku sugnaa caasimada Muqdisho.
Shariif ayaa waxaa ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, Xildhibaano, siyaasiyiin iyo dad aan ugu dhowaa, waxaana xubnaha sagootiyay ka mid ahaa xubno wasiiro ka soo noqday Xukuumadihii uu soo dhisay.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore Shariif iyo qoyskiisa ay magangalyo siyaasdaeed ka heleen Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, oo ugu yaboohay deegaan, markii uu si xor ah u wareejiyay xilka madaxtinimada Soomaaliya.
Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxweynihii hore ayaa sheegaya in marka uu tago Kampala uu uga sii gudbi doono dalka Mareykanka, gaar ahaan Jaamacada Boston oo uu ku diyaarin doono Master Degree, iyadoo ilaa 7-kun arday oo ka qalin jebisay jaamacadaas uu khudbadn u jeedinayo.
Sheekh Shariif ayaa la sheegay in horay loogu casuumay jaamacadaas, oo horay khudbado uga jeediyeen Madaxweynayaal la soo doortay, markii laga guuleystay si cadaalad ah xilka u wareejiyay, waxaana uu noqonaya Madaxweynihii 7aad ee khudbad ka jeedinaya jaamacadaas.
Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xilka madaxtinimada Soomaaliya qabtay sanadkii 2009-kii, doorasho ka dhacday dalka Jabuuti, waxaana 10-kii bishii September ee sanadkan looga guuleystay doorashadii u horeysay muddo 40-sano oo Muqdisho ka dhacda.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|