|
Gen.Moorgan
iyo Ciidankiisu ay soo gaareen Tuullada Xagar ee Jubbada hoose,
halkaad uu horey uga talin jiray.
Sept,7.2004 Radio Free Somali
(Xagar)
Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya
in ay beryahaan ay ka jirtay magaalada Kismaayo cabsi wayn
oo dhanka ammaanka ah keddib markii la sheegay in Gen.Maxamed
Siciid Xirsi (Moorgan) uu weerar hubaysan ku soo qaadayo magaaladaasi
uu horay uga talin jiray.
Magaalada Kismaayo ayaa haatan si wayn uga
qaxayaan dadkii ku dhaqnaa ,iyagoo ka cabsi qaba dagaal ka
dhaca gudaha magaalada,Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya
in ay dhinac socoto qaxaas bililiqo loo gaysanayo dadka ganacsatada
ah.
Dhanka kale wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya
in Gen.Moorgan iyo Ciidankiisu ay soo gaareen Tuullada Xagar
ee Jubbada hoose
Gen.Moorgan iyo Ciidankiisa ayaa lagu waramayaa in ay wataan
baabuur tiro badan oo u badan kuwa dagaalka ee ay saaranyihiin
qoryaha lidka diyaaradaha kuwaasoo gaaraya ilaa 60 baabuur
oo Tekniko ah.
Gen.Moorgan ayaa ku celceliyay in uusan wax
weerer ah ku qaadayn Jubbooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo,inkastoo
maamulka Dooxada Jubba ee haatan gacanta kuhaya magaaladaasi
ay sheegeen in ay iska caabin doonaan waxa ay ugu yeereen
weerarka garada ah ee uu waddo Gen.Moorgan.
Aweis Xuseen Shiino (RFS)
Xafiiska Muqdisho
nabiil19@yahoo.com
|