![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Agaasimeyaasha Wasaarradaha Xukuumadda Federaalka Oo Muqdisho Ku Yeeshay Kulammo Ku Aadan Hormarinta Wasaarradaha DECEMBER 28, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Agaasimeyaasha Wasaarradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyey magaalada Muqdisho ku yeelanayey shirar ay uga arinsanayeen sida loo hormarin karo Wasaarradaha Xukuumadda. Kulammada maalmahan uga socday Agaasimayaasha Wasaarradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ahaa kuwo si isdaba joog ah ay agaasimayaashu uga yeelanayeen xarumaha Wasaarradaha waxaana intii ay socdeen lagu alan qeynayey sida suurtagalnimada ah ee loo hormarin karo Wasaarradaha Xukuumadda. Aweys Sheekh Xadaad Agaasimaha waaxda Sportiga ee Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa sheegay in kulammadu ay Agaasimeyaasha isku afgarteen qorshayaal loogu talagalay in lagu hormariyo Wasaarradaha Xukuumadda kuwaasi oo sida ugu dhaqsiyaha badan loogu dhaqaaqi doono. Kulammadan ay Agaasimayaasha Wasaarradaha Xukuumadda ku yeelanayeen maalmahan magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xili Madaxda sare ee Dalku ay horey u ballan qaadeen isbedel hormarineed oo lagu samen doono dhammaanba hay’adaha Dowladda. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|