![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Xildhibaannada Baarlamaanka Oo Maanta Markale Ka Dooday Qodobo Ka Mid Ah Xeer Hoosaadka NOVEMBER 14, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta markale magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan ay uga doodayeen cutubyo ka mid ah Xeer Hoosaadka Baarlamaanka taasi oo xildhibaannadu ay maalmihii aynu kasoo gudubnay ka doodayeen. Kulanka maanta oo ahaa kala fadhiga Koobaad fadhigiisa 24aad ayaa waxaa shir gudoominayey gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari waxaana uu ka dhacay xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho. Xildhibaannada Baarlamaanku waxey sii amba qaadeen maanta ka doodida cutubka Lixaad ee xeer hoosaadka Baarlamaanka ayadoo kulanka intii uu socdayna ay Mudanayaasha Baarlamaanku is dhaafsadeen fikirro ku aadan sida ay ula tahay in baarlamaanka uu kusii shaqeyn doono. Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo khudbad ka jeediyey markii ay xildhibaannadu dooda is dhaafsadeen kadib ayaa tilmaamay in ka doodida cutubayada xeer hoosaadka Baarlamaanka ay tahay wax loo baahanyahay maadaama qodobada laga doodayo ay tahay xeerka uu baarlamaanka ku shaqeyn doono mudada Afarta sano ee soo socota. Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkan iyo todobaadkii ka horeeyey waxey si joogto ah uga doodayeen cutubyada uu ka koobanyahay xeer hoosaadka Baarlamaanka ayadoo qodobadda laga doodayana uusoo diyaariyey gudoonka Baarlamaanka. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|