91.9FM Codka Beesha

Home

SHIRKII KENYA: Shirqool Cabdullahi Yusuf Loogala Wareegay Taladii Puntland!.


Feb,2.2005 Radio Free Somali (RFS)

Mudane Cabdullahi Yusuf Axmed oo horay u ahaa Madaxweynihii Maamul Goboleedka Puntland ayaa dhawaan shirkii Kenya loogu caleemo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya. Waa xil ka weyn kana muhiimsan kii uu horay u hayay waxaana uu la maamuus noqday madaxweynayaasha kale ee aduunka. Waxaa dareenkiisa kiciyay 21 dii madfac ee loogu riday barxad lagu ciyaaro kubada cagta ee ku taal Nairibi maalinkii la dhaariyay.

Ilaa iyo hada wadamo dhowr ah oo uu booqday waxaana garoomada diyaaradaha loogu gogley katiifad gaduudan (red carpet) oo madaxweynayaasha lagu istaajiyo marka loo garaacayo muusikada salaan sharafta. Arimahaas oo dhani waxa ay u muuqdaan kuwo raali gelinaya madaxweynaha oo halgan dheer u soo maray in uu ku fariisto kursigii looga ariminlahaa Soomaaliya.

Caqabadaha hortaagan madaxweynaha :-


Iyadoo ay jirto guushaa uu gaaray madaxweynuhu ayaa hadana waxaa la orankaraa waxaa ku soo siyaaday dhibaato hor leh. Weli ma aanu booqan dalka uu madaxweynaha u yahay mana muuqato astaamo muujinaya in ay xitaa arintaasi u sahlantahay inkasta oo ay maalmahan soo baxayaan warar sheegaya in uu mudo 2 saac ah ku hakan doono waqooyiga degmada gaalkacyo oo ah halkii uu ku dhashay.

Caasimada Muqdisho oo uu tegitaankeedu shuruud adag u yahay aqoonsi ay dowladiisu ka hesho caalamka iyo soomaalida inteeda badan ayuu isagu ka qaatay go'aan adag oo ah in aanu tagin ilaa iyo inta ay dhamaan malayshiyooyinka joogaa hubkooda, xarumaha dowlada, garoomada iyo dekedaha ku wareejinayaan ciidamo shisheeye oo uu horay uga dalbaday wadamada Afrika taasi oo dadka ku xeel dheer arimaha soomaaliya ay u arkaan wax aan loo fadhin.

" Ninkii buunka xadayoow xagee ku yeerin doontaa". Madaxweynaha waxaa hortaal su'aal culus oo ay Soomaalida iyo aduunyada kaleba weydiinayaan. Goorma ayaad soomaaliya ku laabanaysaa oo aad caasimada Muqdisho tagaysaa?. Madaxweynuha uma muuqato sansaan uu su'aashaa uga jawaabi doono mustaqbalka dhow.

Shirqool siyaasadeed oo loo maleegay Cabdullahi yuusuf :-

Cabdullahi Yuusuf oo taariikh ahaan ka soo horjeesan jray dawlad kasta oo Soomaaliya laga dhiso ayaa shirka Kenya ka hor wuxuu ku jiray nolol iska qabow oo uu ku haystay madaxtinimada Puntland isaga oo wixii maamulkiisa soo farageliyana qoriga iskaga xalin jiray. Maanta kursigiisi Puntalad waxaa ku dekeynaya Gen. Cade Muse Xirsi oo uu waqti aan sidaa u fogayn Cabdullahi xabad kaga saaray xuduudaha Puntland. Si sahlan ayay mucaaradkiisi ula wareegeen jagadiisi isagiina waxaa la huwiyay madaxweynanimo aan dhaafsiisnayn in afka laga sheego oo aan la mala'awaali karin inta ay magac ahaan u sii jiri karto.

Dadka badankiisa ayaa waxaa mucjiso ku noqotay sida fudud ee uu Cabdullahi Yuusuf oo safka danbe uga jiray liiska musharixiintu uu ugu guuleystay aqlibiyad aad u saraysa. Warar lagu kalsoonaan karo oo soo baxay doorashada madaxweynaha ka bacdi ayaa tilmaamaya in siyaasiyiin ka soo jeeda beelo kala duwan oo doonayay in ay Cabdullahi ka saaraan masraxa siyaasada ee soomaaliya iyo taageerayaasha Cade Muuse oo iskaashaday in ay maalgeliyeen ololihii doorashada ee Cabdullahi si loogu helo madaxtinimo maqaar saar ah oo looga dhigo dibad joog.

Ujeedo kastaba ha laga lahaadee, waxaa ay dad badani u arkaan in doorashada Cabdullahi Yuusuf sii dheeraynayso dowlad la'aantii iyo jahwareerkii siyaasadeed ee Soomaaliya oo hada 15 sano jirsaday.


Abdirizaq Haji Ahmed
Minnesota, USA
E mail abdirizaq88@hotmail.com


Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Radio Free Somalia
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Radio Free Somalia





Muqaalka Som

 

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 

 

Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   




|Privacy | webmaster@radiofreesomalia.com