![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Nin aan mudo dhagaha wax ka maqal oo Muqdisho tababar ugu furay dhagoolayaasha kunool
JANUARY 9, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Siminaarkan lagu baranayay hogaanka ayaa magaalada Muqdisho loogu qabtay 12 qofood oo Aan dhagaha wax ka maqal, kuwaas oo isugu jiray rag iyo dumar ku nool magaalada Muqdisho. Abubakar Shiikh Cabdulle oo ah gudoomiyaha ururka dhegoolada qaranka Soomaaliyeed oo Marka lasoo gaabiyo loo yaqaano SONAD oo ka hadlay siminaarkaas ayaa ku dheeraaday Muhiimada ay leedahay in dhagoolada Soomaaliyeed ay gartaan marka hore inay yihiin dad Maskax iyo caqli leh. “ Dhagoolnimo maaha cuuryaaminimo ee waa ka mid ahaansho qayb ka Mid ah bulshada oo leh dhaqan iyo af u gaar ah” ayuu yiri Abubakar. Sidoo kale waxuu ku nuux nuuxsaday in dhegoolada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay Isticmaalaan luqada dhegoolada saxda ah oo ah luqada ishaarada ayna iska daayaan isku dayida Hadalka aysan awood u lahayn “ Aniga waxaan dhigtaan jaamacad ay dhigtaan 18,000 oo Arday. Waxaan wax ku bartaa luqada ishaarada ee dhagoolada oo turjumaan ii tarjumo waxa uu Dhahayo profesorka waana fahmaa” ayuu yiri Abubakar isago oo ku hadlayo luqada ishaarada. Abubakar waxuu shegay in luqada ishaarada ay la mid tahay luqadaha kale ee afka looga hadlo Waana luqada soo jireen u ah dhagoolada. Dadkii ka qeyb galay siminaarka ayaa dowladda iyo hay’adaha maxalliga ah ugu baaqay inay Caawiyaan dadka aan wax maqlin ee ku nool dalkeena. Dalkeena waxaa ku nool kumanaan Qofood oo dhegoole ah, kuwaas oo aanan dhamaantood haysan waxbarasho iyo Daryeel. Magaalada Muqdisho waxa ku yaalo laba iskuul oo dhegoolada wax lagu baro. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|