|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Wasiirka gaashaandhiga oo ka warbixiyay socdaalka uu ku jooga magaalada Baydhabo
JANUARY 3, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa ka warbixiyay safarka uu maalinimadii shalay ku tagay magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, isagoo sheegay in dhowaan la qaadi doono howl galo ka dhan ah Al-Shabaab.
Socdaalka Wasiirka gaashaandhiga ku joogo magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku wehliya Xildhibaano ka soo jeeda gobolka, Saraakiil ciidan uu ka mid yahay Taliyaha ciidamada xooga dalka Jen. Diini.
C/xakiin Fiqi oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Baydhabo uu geeyay mushaar ay dowladda u soo dirtay ciidamada dowladda ee ku sugan gobolada Bay iyo Bakool, isagoo xusay in la siin doono ciidamada.
"Waxaa u keenay Ciidamada mushaar ay dowladda u sii diray, waana la siin doonaa meel walba ay joogaan"ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.
Mar Wasiirka wax laga weydiiyay kulamada uu la qaatay saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay ka wada hadleen howl galada ka socda goboladaas, isagoo tibaaxay in la isku furi doono wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.
Wasiirka ayaa cadeeyay in kulamada uu la qaatay saraakiisha ciidamada ay ka wada hadleen sidii dhowaan loo qaadi lahaa howl galo, isla markaana deegaanada wali ku haray gacanta Al-Shabaab looga xoreyn lahaa sida uu yiri.
"Socdaalkeyga wuxuu qeyb weyn ka yahay sidii loo dar dar gelin lahaa howl galada ka socda gobolada dalka ay ka wadaan Ciidamada qalabka sida"ayuu yiri Wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Fiqi.
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa dhowaanahan socdaalo ku tagayay magaalooyinka laga saaray Al-Shabaab, si uu u dhiira geliyo ciidamada xooga dalka.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|