![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen oo la sheegay in ay ku biiraan Al-Qaacidda January 21, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Wargeys lagu magacaabo Jamhuuriyah oo ka soo baxa dalka Yemen ayaa qoray in boqolaal ka mid ah Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yamen ay billaabeen ku biiritaanka ururka Al-Qaacidda ee dhowaan qabsaday magaalooyin ku yaalla koofurta dalka Yemen. Warbixintaan uu wargeyku daabacay ayaa keentay walaac iyo xaalad murugo leh oo soo wajahday dadka Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen, waxaana walaacoodu uu la xariirii suurta galnimada in bartilmaameed ay u noqdaan ciidammada ammaanka dalka Yemen oo baqdin laga qabo in ay dadkaasi dhibaateeyaan. Warbixinta la daabacay oo aan xaqiiqo badan loo heyn ayaa sidoo kale lagu xusay in kooxda Al-Qaacidda ay aad u daneynayaan dadka Soomaalida ah ee ku nool dalkaasi Yemen iydoo Soomaalidu ka mid yihiin dagaalyannada ugu fir fircoon ururka Al-Qaacidda ee Yemen dagaalka ka wada sida wargeysku daabacay. Waxaa jiray warar ku aadanaa in ajaanibta Al-Qaacidda ee Soomaaliya dagaallada ka wada iyo malleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay markii looga itaal roonaaday dagaalka Soomaaliya ka soconaya ay u baxsadeen dalka Yemen hasa ahaatee majiraan warar cadeyn u noqon kara in qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ay ku biirayaan Al-Qaacidda iyaga oo weli boqol boqol isu diiwaan gelinaya. Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yamen ayaa la kulma ee deeymo ku aadan in ay qeyb ka noqdaan xiisadaha ka aaloosan dalkaasi. Markii dalka Yemen ay ka biillowdeen dibed baxyada looga soo horjeeda dowladda Cali Cabdalla Saalax ayaa qaxootiga Soomaaliyeed lagu tilmaamay in ay ka mid noqdeen kooxaha kacdoonka ka wada dalka Yemen taasoo xaalada Qoxootiga Soomaalida ah ka dhigtay Kud ka guur oo qanjo u guur. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|