![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Shacabka ku dhaqan Kismaayo oo soo dhaweeyay maamul u sameynta ay wado dowladda Soomaaliya
DECEMBER 31, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa soo dhaweeyay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud kaas oo ahaa in uu u mahadcelinayo maamulka iyo shacabka ku dhaqan Kismaayo. Qaar ka mid ah shacabka oo la hadlay wariyeyasheena ku sugan magaalada kismaayo ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, waxa ayna tilmaameen in dowladda Soomaaliya ay hormar balaaran ay ku soo kordhisay mudadii ay gacanta ku haysay. Shacabka ayaa intaasi ku daray in madaxweynaha khudabadii uu jeediyay ay aheyd mid ahmiyad weyn u leh shacabka reer Kismaayo iyagoona sidoo kale Madaxweynaha u hambalyeeyay. Wafdi heer wasiir ah oo ka socda dowladda Soomaaliya ayaa mudo Seddax maalin safar ku joogay magaalada Kismaayo halkaas oo ay kulamo kula yeesheen maamulka KMG ah, shacabka iyo Odayaasha dhaqanka. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|