![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Dibad bax lagu taageeray go’aanka Maraykanka ee Xukuumadda Soomaaliya oo Muqdisho ka dhacay
JANUARY 21, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Dibad bax balaaran oo lagu soo dhaweynayay aqoonsiga ay Dowladda Mareykanka siisay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ka qeybgalay R/wasaare Saacid ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Dibadbaxan uu soo abaabulay maamulka Gobolka Banaadir islamarkaana ay ka qeybgaleen R/Wasaaraha Soomaaliya Ccabdi Faarax Shirdoon, Wasiirro uu kamid yahay Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga, Duqa Magaalada Muqdisho Tarzan , sarakiisha Ciidamada iyo dadweyne aad u fara badan aya maanta lagu qabtay Beerta nabadda oo ku taalla meel u dhaw Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.’ Bannaanbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay Erayo ay ku taageerayaan go’aanka Mareykanka uu ka qaatay marxaladda Soomaaliya. Ugu horreyntii waxaa goobta ka hadlay Duqa Magaalada iyo Wasiirka amniga kuwaasoo uga mahadceliyay dadweynaha soo dibadbaxay sida ay u muujiyeen dareenkooda. R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi faarax oo khubad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Dibadbaxa ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in dadweynaha u la qeybsado dareenkooda farxadeed waxa uuna Dibadbaxayaasha uga mahadceliyay sida ay ub taageersanyihiin DF Soomaaliya. R/wasaaraha ayaa ka codsaday qeybaha Bulshada inay ka shaqeeyaan xaqiijinta amniga dalka oo ay ka qeybqaataan Ololaha Nadaafadda oo 26-ka bishan si rasmi ah uga billaaban doona caasimadda iyadoo dhaqaale gaaraya $15,000 lagu abaalamarinayo degmadii ku guuleysata ama kaalinta koowaad gasha. R/wasaraha ayaa tilmaamay in Xukuumaddiisu ku dedeaaleyso sidii dalka looga ciribtiri lahaa Kooxaha argagixisada Alshabab iyo Burcadbadeedda, Soomaaliyana ay gaari doonto horumar iyo isku filnaasho. DF Soomaaliya ayaa dhawaan aqoonsi buuxa ka heshay Dowladda Mareykanka kadib booqasho uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tagay Mareykanka. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|