|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Gaadiidleyda oo Muqdisho ku qabatay dibadbax lagu taageerayay go’aankii lagu qaaday Isbaarooyinka”SAWIRRO”
DECEMBER 1, 2012 (Radfiofreesomalia.com) -

Dibadbax ballaaran oo lagu taageerayay go’aankii geesinimada lahaa ee dowladdu ku mamnuucday isbaarooyinka gaadiidka looga qaadijiray lacagaha baadda ah ayna soo qabanqaabiyeen iskaashatada gaadiidleyda ayaa maanta lagu qabay Barxadda Iskaashatooyinka ee ka soo horjeedda Ex-Fiyoore. ee magaalada Muqdisho.
Dibadbaxa oo ay ka qeybqqdanayeen gaadiidley farabadan ayaa waxa ay gaadiidkooda soo tubeen barxada iskaashatooyinka, iyagoo ku qeylinayay ereyo ay ku taageerayaan go’aanka ay dowladdu ku mamnuucday isbaarooyinka, waxaana halkaasi kula hadlay saraakiil uu ka mid ahaa taliyaha ciidamada nabadgelyada waddooyinka Cali Gaab iyo mas’uuliyiin kale oo ka socotay guddiga iskaashatada gaadiidleyda gobolka Banaadir.
Waa dibadbaxii ugu horeeyay ee noociisa ah ee lagu taageero qaadista isbaarooyinka taas oo muujineysa in gaadiidleeydu ay ahaayeen kuwa dhibaatada ugu daran ku qabay isbaarooyinkaasi.







Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|