![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Ehellada Wasiirkii Ugu Horeeyey Ee Maalliyadda Oo Sheegay In Marxuumka Muqdisho Lagu Aasayo Kana Hadlay Taariikhdiisa
DECEMBER 11, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Ehellada iyo Carruurta uu dhalay Allaha u naxariistee Wasiirkii ugu horeeyey ee Maalliyadda Dalkeenna Marxuum Cismaan Axmed Rooble oo xaley ku geeriyooday Dalka Ingiriiska ayaa maanta ka warbixiyey taariikhda marxuumka ayagoo dhanka kalena shaaciyey in marxuumka lagu aasayo magaalada Muqdisho. Axmed Cismaan Axmed Rooble iyo Saciid Cismaan Axmed Rooble oo labaduba ah wiilal uu dhalay Allaha u naxariistee Marxuum Cismaan Axmed Rooble oo shirjaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey in aaska aabahood uu dhacayo maalinta khamiista ah ee soo socota islamarkaana lagu aasayo magaalada Muqdisho. Taariikhda Marxuumka oo kooban Allaha u naxariistee Cismaan Axmed Rooble waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1919kii. Waxa uu ka tirsanaa ururkii dhalinyarada SYL. Waxa uu ahaa Wasiirkii Maalliyadda Dowladii Daakhiliga. Waxa uu Dowladaas dowladdii ku xigtay ka noqday Xildhibaan ayadoo lagasoo doortay degmada Aadan Yabaal. Isla Dowladaas waxa uu ka noqday Wasiirkii Dekedaha. Dowladdii Kacaanka markii ay dalka la wareegtay waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaad la xeray. Xilkii ugu dambeeyey ee uu qabtana waxa uu ahaa Gudoomiyaha Rungta Ganacsiga oo uu in mudo ah ahaa. Waxa uu dhacay Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan 31Carruur ah waxa ay sii dhaleenna waxa ay kor u dhaafayaan 100. INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|