![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Janaraal ka tirsan Dowladda KMG ah oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho
January 17, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Waxaa Dowladda, Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed ka geeriyooday shakhsi ku weynaa Ummada Soomaaliyeed, kaasoo ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho, waxaana ka tiiraanyooday masuuliyiinta iyo Dadka Soomaaliyeed. Allaha u naxariistee Abaan Duulihii Ciidamadda Badda ee Dowladda Soomaaliya General Maxamed Abuukar, ayaa wuxuu Axadii uu ku geeriyooday Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana laga wada naxay geerida ku timid. Geerida ku timid Abaan Duulihii Ciidamadda Badda ee Dowladda Soomaaliya General Maxamed Abuukar, ayaa waxaay warbaahinta u xaqiijisay Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, iyadoo markaasi ka tiiraayooneysa geerida ku timid. Masuuliyiinta iyo Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa waxay Ummada Somaliyeed iyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay ay uga tacsiyadeeyeen geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Abaan Duulihii Ciidamadda Badda ee Dowladda Soomaaliya General Maxamed Abuukar. Sidoo kale shacabka ku dhaqan Magaaladda Muqdisho, ayaa waxay ka tacsiyadeeyeen geerida ku timid Abaan Duulihii Ciidamadda Badda ee Dowladda Soomaaliya General Maxamed Abuukar. Dhanka kale Maamulka iyo Shaqaalaha Shabakadda Somaliweyn.com, ayaa waxay Ummada Somaliyeed iyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Abaan Duulihii Ciidamadda Badda ee Dowladda Soomaaliya General Maxamed Abuukar, ay uga tacsiyadeynayaan geeridii naxdinta laheyd ee ku timid. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|