|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo Muqdisho ku geeriyooday

NOVEMBER 15, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir ahna duqii hore Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) ayaa goor dhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho, iyadoo Siyaasiga mudooyinkan uu xanuunsana.
Allaha u naxariistee geerida ayaa waxaa u xaqiijiyay Jowhar.com mid ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyed, waxaana Maxamed Dheere lagu waday in maanta loo qaado magaalada Nairobi, si loogu soo daweeyo.
Maxamed Dheere ayaa xalay la seexiyay Isbitaal ku yaal Xerada Xalane ee AMISOM gacanta ku heyso, kadib markii shalay dib u dhacday in loo qaado magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Siyaasigan ayaa doorar waa weyn ku lahaa siyaasada dalka, isagoo ahaa hogaamiyaasha siyaasada ugu tunka weynaa Soomaaliya.
Waxaa uu soo noqday Gudoomiyihii Shabellaha Dhexe, iyadoo lagu xusuusto sida maamulkiisa ugu marti geliyay magaalada Jowhar dowladdii lagu soo dhistay dalka Kenya sanadkii 2004-tii
La soco wixii warar iyo taariikhdiisa ku saabsan
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|