![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Taliska ciidamada XDS oo baaq u diray dhallinyarada ay qaldeen Al-qaaciddada Soomaaliya
DECEMBER 26, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Taliska ciidamada XDS ayaa ugu baaqay dhalilyarada Soomaaliyeed ee ay qaldeen Maleeshiyaadka Shabaab in ay ka soo laabtaan fikirkaasi xun, isagoo xusay in Dowladdu ay cafis u fidisay haddi ay isa soo dhiibaan. Sareeyo Gaas C/qaadir Sh. Cali Diini taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dhalinyarada wali ka mid ah kooxdi bur burtay ee Al-shabab Al-qaacida in ay soo galaan gacanta dowlada si dib loogu soo celiyo Xaquuqdi ay dhalinyaradaasi lahaayeen, qoysaskoodana ay ula noolaadaan nabad iyo xurnimo. Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay ta in wali ay wiilashaasi heystaan waqti ay uga fikirikaan horumarka noloshooda iyo wadankooda, dowladana ay xilli walba soo dhaweyneyso qofka garta in uu dalkiisa iyo dowladiisa uu u shaqeeyo, wuxuuna kula taliyay dhalinyarada wali fikirkooda qaldanyahay ee Al-qacidda Somalia ka mid ah in ay ka faa’iideystaan waqtiga ay heystaan, Hadalkan ayuu taliyaha ciidamada xoogga dalka ka jeediyay booqasho ay shalay ku tageen wafdigi uu hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha taliyuhuna uu ka mid ahaa deegaanka Saqiiro oo ka mid ah gobalka Shabeellaha Hoose. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|