![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Tiirka Sedexaad ee Dawladnimada: W/Q/ Cabduraxman M. Cabdullahi (baadiyow) APRIL 19, 2009 Radiofreesomalia.com Xeer, qaanuun iyo sharci waxey dhammaan tilmaamayaan nidaam lagu xeeriyo xiriirka qofka, qoyska, bulshda iyo dawladda. Nidamkaas wuxuu noqon karaa mid ku saleysan Shareecada Ilaahey ama mid dadku ay ka qaateen waayo-aragnimada aadamiga. Ummadaha Muslimka ah waxaa laga rabaa in xeerarkooda, qawaaniintooda iyo sharciyadooda aysan ka hor-imaanin nuxurka mabaadi’da Islaamka. Taas minaheedu ma aha inaan loo ogoleyn ka faa’deysiga waayo-aragnimada dawladnimo ee ummadaha kale. Haseyeeshee, dawladaha la soo gumeystay sida Somaaliya, qawaanintooda waxaa sameeyay gumeysiga oo ka tixraacay qawaaniintooda. Gaar ahaan, dalalka Muslimka ah waxaa soo gumeystay dawlado aan ku diin aheen, kuna dhaqan aheen, kuwaas oo keenay waxyaabo badan oo khilaafsan diinta iyo dhaqanka. Waxaa dalakaas lagu talaalay fikirka “cilmaaniyadda” (secularism) oo ay sal u tahay in Islaamka laga fogeeyo xukunka, diinta iyo dawladdana la kala saaro. Sidaas darteed, madaxdii xukunka Somaaliya soo qabatay bilawgii gobanimada waxaa ka horyimiday mushkilad ah qawaaniintii ay ka dhaxleen gumeysiga iyo shabcabkooda oo aan qawaaniintaas ictiraafsaneyn oo uhaysta iney tahay qawaaniin gaallo. Qawaaniinta dawladu ma aha xeerkii dhaqanka u ahaa beelaha oo odayaashu xeerintiisa yaqaaniin, mana aha shareecada Islaamka oo culimada wax laga weydiiyo. Intaas wixii kasoo hara dadweynahu ma ictirafsana, qiima xeerna uma laha. Sidaas darteed, hadii la jebiyo qawaaniinta dawladda, dadku uma arkaan iney tahay dambi Ilaahey agtiisa, mana aha wax bulshadu isku ceebiso. Hadaba in qawaaniintaas la jebiyo miyaa loo daahaya? Haddiise qawaaniinta la jebiyo miyaa bulshadu nabad iyo nolol heleysaa? Sidey Somaaliya dawlad ku noqoneysaa haddii aan qaanuun loo hogaansameyn? Sidey lagu sameen karaa qaanuun dadku intiisa badan rumeysanyihiin oo haddii la khilaafo aakhiro la isku haysto aduunyadana la isku ceebiyo? Haddii aan isku raacno sida ayaamahaan socota in Shareeda Islaamka la isku xukumo, side loo dhaqan gelinayaa? Yaa sheegaya waxyaabaha shareecada khilaafsan iyo waxyaabaha waafaqsan ee qawaaniinta dalka ku jira? Su’aalahaas iyo kuwa kale oo badan ayaa jawaab sugaya, laakiin maqaalkaan looguma tallagelin inaan uga jawaabno. Waxaan ka rabnaa oo kaliya inaan isku baraarujinno baaxadda arinka xaalka ubaahan. Qaanuunka dawladda waxaa ugu horeeya waa dastuur. Hadaba, waa maxay dastuur? Su’aashaan waxaan u keenayaa, waxaan ogahay iney jiraan Somaali uyaqanna dastuur inuu yahay qaanuun gaalo, Muslimiinta dastuurkooduna yahay Qur’aanka Kariimka ah. Waxaa dadka qaar si khaldan ufahmeen orahda dhaheysa dastuurkeynu waa Qur’aanka “al-Qur’aanu dastuuruna” oo micnaheedu yahay dastuurku waa inuusan khilaafin Qur’aanka. Qur’aanku, dastuurka sida loo yaqaan, waa weynyahay, waa hadalkii Ilaahey oo lagu soo dejiyay Nabigeynna Muxammad (saw) oo natusaaleynaya sida Ilaahey rabo inaan ucaabudno. Qur’aanku wuxuu tilmaan guud ka bixinayaa sida Ilaahey ka rabo in aadamigu ugu noolaado dhulka. Dhanka kale, dastuur waa qaanuunka qaanuunyada asaaska u ah oo dawladaha iyo hay’aduhu sameystaan. Waxaa Muslimiinta tusaale u ah dastuurkii uu sameeyay Nabigeenna Muxammad (saw) markii uu uhaajiray Madiina. Halkaas waxaa ku wada noolaa Muslimiin, Yahuud iyo gaallo kale. Waxaan Nabigu (saw) sameeyay heshiis lagu magacaabo “Axdiga Madina”. Hehsiiskaas wuxuu qeexayay sida loogu wada noolaan lahaa magaalada Madina. Dastuurada dawladaha casriga ah wuxuu ka koobanyahay mabaad’i guud, wuxuu qeexayaa casimadda, xuduudda dalka, muqaalka calanka iyo astaanka qaranka. Wuxuu qorayaa qaab-dhismeedka dawladda iyo waajibaadka qaybaheeda kala duwan. Wuxuu kala bixniyaa awoodaha baarlamaanka, xukuumadda, madaxweynaha iyo maxkamadda sare. Arimahaas aan soo sheegnay waa arimo lagu heshiiyo oo dal kasta sida ugu haboon u sameysto. Dastuurada qaar waa gaabanyihiin, kuwa kalena waa dheeryihiin. Tussale, Axdiga KMG ee lagu sameeyay Kenya (2004) wuxuu ka koobanyahay 71 qodob (article). Axdigii ka horeeyay ee lagu sameeyay tuulada Carta 2000, wuxuu ka koobanyahay 38 qodob. Dasturkii dawladii kacaanka wuxuu ka koobnaa 112 qodob. Diinta Islaamku ma sheegin qaabka xukumadu u egtahay iyo nidaamkeeda dhismaha ee waxey sheegtay qaabka la raacayo si xukumad loo sameeyo iyo waajibaadkeeda. Waxaa la rabaa in xukumadu ku timaado wada-tashi (doorashooyin demoqradi ah). Dad badan ayay la xuntahay adegsiga eragga dimoqraadiyada oo uhaysta iney tahay gaallnimo. Laakiin, sidaas ma aha hadii loola jeedo in la isdoorto oo kalitalisnimo la diido. Demoqradiyada aan ka hadleynoo waa Muslim ee cilmaani ma aha, waxeyna diideysaa in xukunka xoog lagu qaato. Labada aayadood oo ka hadlaya in laga tashado arimaha ummada Mulimka ah waxey sheegyaan in wada-tashigu yahay dhaqan lagu yaqaan muu’miniinta “wa amruhum shuura baynahum” iyo in Nabigi Moxamed (saw) oo Ilaahey ku amray inuu dadkiisa la tashado “ wa shaawirhum fil amri”. Tass waxaa lagu fasiray in xukunku marka hore wada-tashi ku yimaado, wada-tashina lagu maamulo oo aan marna la ogolaan kali-talis. Yaa lala tashanayaa? Go’aanka ka soo baxa wada-tashiga qasab miyaa in madaxdu uhogaansanto? Haddi madaxdu takrifal sameyso waxaa la sameynayaa? Su’aalahaas iyo kuwa kale oo la nooc ah, waxaa loo daayay dadaka ku nool meelaha iyo waqiyada kale duwan. Waxaa kale oo xukumadda waajib ku ah iney Shareecada ku dhaqanto oo nuxurkeedu yahay in wixii wanaasan la is faro, wixii xunna la iska fogeeyo (al-amru bil macruuf wa nahyu canil munkari”. Tafaasiisha waxyaabaha wanaagsan iyo waxyaabaha xun waxaa qeexayaa Shareecada Islaamka oo leh qaybo aan isbedelin (thaabit) iyo waxyaabo isla bedela waqtiga, goobta iyo xaaladda (mutagayir). Laakiin xukumadaha casriga ah, faahfaahinta waxyaabaha fiican iyo waxyaabaha xun oo reeban waxaa lagu qoraa qawaaniinta kala duwan ee dalka. Gunaanadkii, dawladnimada waxaa sal u ah muwaadinniinta qaraanka bixiya, qaanuunkana uhogaansama. Qaannunka koobaad ee dawladu waa dastuurka, dabadedna waxaa la sameeyaa qawaaniinta inteeda kale. Dadka Somaliyeed uma hogaansami yaqaaniin qaanuun khilaafsan diintooda. Didaas darteed, waa inaan sameysanaa qawaaniin aan khilaafsaneyn Islaamka. Waxaa lagama maarmaan ah iney ka qeybgalaam muwadiniinta oo aan loo kala saarin culimo iyo caami, wadaads iyo waranle, iyo cilmaani iyo Islaami. Wadajirkooda iyo isla garashadooda ayaa muhiim u ah dhaqangelinta qawaaniinta. Ugu dambeyntii, Islaamku waa diinteynna! dalkuna waa waddankeynna! dawladuna waa maamulkeynna! Nabad, midnimo iyo walalnimana waa nolosheynna. Ilaahey intaas hana tusiyo, hana nagaradsiiyo!!!
RFS _ Muqdisho
|
|