![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Wafdi ka socda Qaramada Midoobay Oo Gaaray Garoowe NOVEMBER 19, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Midoobay oo uu hor kacayo kuxigeenka wakiilka Q/M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe isagoona kormeeray xabsiga guud ee Garoowe iyo goobo kale. Wafdiga ka socday Q/M ayaa waxaa garoonka magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka mamulka Puntland iyo xubno ka tirsan maamulkaasi, waxaana wafdiga horkacayay ku xigeenka wakiilka arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Q/M iyadoo socdaalkiisa ay ku wehliyaan safiiro ka socday wadamada Holland, Britain, France, Norway, filand iyo saraakiil kale. Xubnaha ka socday Q/M ayaa dhagax dhigay halka laga dhisayo xabsi loogu talagalay in lagu xiro burcad badeeda kaas oo ay iska kaashanayaan dhismihiisa dowladdo badan. Sidoo kale wafdiga ayaa tababar u furay ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta oo loogu talagalay in ay ka howgalaan xabsiga maanta la dhagaxdhigay ee loogu talagalay in lagu xiro burcad badeeda. Wafdiga ayaa lagu wadaa in galabta ay ka ambabaxaan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|