![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay tababar siineyso ciidamada Kenya ee ka midka ah AMISOM DECEMBER 26, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay sanadka soo socda ee 2013-da ay tababarro siineyso Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM. War ka soo baxay xarunta wasaarada Gaashaandhigga ee Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in 200-askari oo ka mid ah ciidamada Kenya ay helidoonaan tababar Milateri oo heerkoodu sareeyo. Tababarka la siinayo ciidamada Kenya ayaa waxaa uu noqondoona mid ka saacididoona la dagaalanka Al-Shabaab, sida lagu yiri war ka soo baxay Pentagon-ka Mareykanka. Jen Carter Ham oo ah Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee kusugan Afrika oo loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegay in ay diyaariyeen qorshayaal lagula dagaalamayo Shabaab, islamarkaana ay Ciidamada AMISOM ka taageerayaan howlgalada ay ka wadaan Soomaaliya. Mr. Carter Ham ayaa sheegay in qorshahan loogu talagalay ilaa 35-dal ay ka mid yihiin Libiya, Mali iyo dalal kale tababaro ku aadan la dagaalanka Argagixisada la siindoono Ciidamada, waxaana uu tilmaamay in kenya ay noqotay dalkii u horeeyay ee ay siiyaan tababarkan. Ciidamo ka socda Kenya oo gaaraya Kumanaan askari ayaa dhowaan ka mid noqday howlgalka Nabad ilaalinta AMISOM, kadib markii sanadkii hore ay ka soo talaabeen xuduuda Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Shabaab. Mareykanka ayaa taageerada ugu badan siiya Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo haatan ku baahaya gobolo cusub oo ay katalinjireen Al-Shabaab Alqaacidda Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|