![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda oo soo gaba gabeeyay safar ay ku joogeen G/sh/hoose
DECEMBER 3, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Wafdigii ka ka socday dowladda Soomaaliya oo muddo laba maalin ah safaro shaqo ku joogay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha hoose ayaa soo gaba gabeeyay safarkoodii. Xubnaha wafdiga ah ee ka socday dowladda ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka wasaaradda difaaca dalka, Wasiirka wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta, Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, taliyaha ciidanka XDS, taliyaha ciidamada Booliska, agaasimaha hay’adda Nadab sugidda, xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan dowladda. Mas’uuliyiinti ka socotay dowladda ayaa saakay ka soo ambabaxay magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose halkaas oo ay shalay kulamo kula yeesheen dadka deegaan iyo maamulka gobolkaasi. Waxaana intii ay wada ku soo jiray wafdiga weerar naf la caari ah ku qaaday maleeshiyaad firxad ah oo si dhuumaaleysi ah ku tagay meel aan ka fogeen deegaan Buufoow. Ciidamadii la socday kolanyadii galbineysay mas’uuliyiinta dowladda ayaa iska caabiyay weerarkii ay ku qadaaneen kooxda shabaab waxaana ku dhaawacmay askar ka tirsan ciidamada dowladda iyadoo kooxda shabaab la gaarsiiyay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, sida ay noo xaqiijiyeen weriyayaasheenii la socday wefdiga, waxaana goobta ka baxsaday maleeshiyaadkii firxadka ahaa ee sida dhuumaaleysiga ah ku galay waddada. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|