![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Wafdigii ka socday dowladda ee gaaray Kismaayo oo kulan la qaatay maamulka KMG ah ee magaaladaasi DECEMBER 27, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Wafdi ka tirsan Xukuumadda iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose halkaas oo ay kulamo kula qaateen mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee gobolkaasi. Wafdigan ka socday labada gole ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa hoggaaminayay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha waxaana ku wehliyay wasiirka warfaafinta, wasiirka gaashaandhiga, taliyaha ciidamada XDS, wasiir ku xigeenada wasaaradaha warfaafinta gaashaandhiga iyo saraakiil ciidan. Wafdiga ayaa magaalada Kismaayo kulan kula qaatay madaxda maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo, kuwaas oo ay kala hadleen xaalada Kismaayo waxaana kulanka ay qaateen mas’uuliyiinta uu ahaa mid ay saxaafadda dibad joog ka ahaayeen. Markii uu soo gaba gaboobay kulanka ayaa waxaa saxaafadda ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka Mudane C/xakiim Xuseen Guuleed kaas oo sheegay in kulankan uu ahaa mid ay uga arrinsanayeen xaalada Kismaayo. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|