![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Wafdi Ka Socday Q.M. Oo Gaaray Beledweyne
January 17, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Wafdi ka socday Q.Midoobay ayaa maanta markii ugu horreeysay sanad kadib gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyagoo kulamo la qaatay mas’uuliyiinta dowladda ee ku sugan gobolkaasi. Xildhibaan Maxamed Amiin Xasan C/llaahi oo ku sugan Beledweyne isla markaana ka qeybgalay kulankaasi ayaa sheegay in wafdigaasi uu ka koobnaa Shan xubnood kuwaas oo mas’uliiyiinta kala hadlay ayuu yiri sidii ay u billaabi lahaayeen howlihii gargaarka ee shabaabku horay u hakiyay. Sidoo kale xildhibaanku waxa uu intaa ku daray in xubnaha wafdigaasi ay tilmaameen in ay diyaar u yihiin dib u billaabidda howlihii gargaarka iyadoo mas’uuliyiinta dowladduna ay ballan qaadeen in ay adkeyn doonaan dhinaca amaanka. Booqashada wafdigan ee Beledweyne ayaa imaanaya xilli dhawaan Madaxweyne Shariif uu ku baaqay in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo deegaannada laga xoreeyay malleeshiyaadka Shabaab. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|