![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Wafdi Ka Socda WFP Oo Gaaray Kismaayo
NOVEMBER 23, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Wafdi ka socda Hay’adda Q.M u qaabilsan Cuntada ee WFP ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose. Wafdigan oo u jeedada ay u tagayaan magaalada Kismaayo ay tahay sidii ay ugu kuurgali lahaayen xaalada dhabta ah ee ka jirta magaalada si dadka ku nool gargaar loo gaarsiiyo ayaa waxey kulammo la qaateen mas’uuliyiinta iyo saraakiisha magaaladaasi ku sugan. Kulammada dhexmaray wafdiga ka socda WFP iyo maamulka iyo saraakiisha Ciidammada ayaa waxey ka dhaceen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo halkaasi oo ay dhinacyada kulanka ka qeybgalay isku afgarteen in sida ugu dhaqsiyaha badan dadkaasi gargaar loogu keeno. Saraakiil u hadashay wafdiga ka socday WFP ayaa kulanka ka ballan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan magaalada Kismaayo uu kusoo gaari karo gargaar ka socda Q.M. Tan iyo wixii ka dambeeyey intii magaalada Kismaayo laga xoreeyey Maleeshiyada kooxda Argigixisada ah ee Al-Shabaab ayaa waxaa sii kordhaya wufuudda ka socota caalamka ee magaaladaasi u tageysa iney qiimeyn ku sameeyaan xaaladeeda. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|