|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Midawga Africa oo ka walaacsan khilaafka baarlamaanka sharci darana ku tilmaamay xil ka qaadistii Shariif Xasan
January 17, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - War ka soo baxay xafiiska gudoomiyaha ururka midawga Africa Jean Ping ayaa waxaa lagu sheegay in ururku uu si weyn uga walaacsan yahay arrinta ku saabsan khilaafka baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ka dhex taagan kaasoo sababay in baarlamaanku yeesho labo gudoon.
Warkaan ka soo baxay ururka midawga Africa ayaa waxaa wax laga xumaado lagu tilmaamay khilaafyada baarlamaanka ee xataa mararka qaar dhaliyay gacan ka hadal xildhibaanada dhexdooda ah iyo xil ka qaadistii aycildhibaanada qaar ku sameeyeen gudoomiye Shariif Xasan Sh Aadan.
Jean Ping gudoomiyaha midawga Africa waxaa uu ku tilmaamay doorashadii gudoomiye Madoobe Nuunow inay caqabad ku tahay hishiiskii Kampala ee Kampala Accord loogu magac daray ee la gaaray bishii June ee sanadkii hore iyo fulinta qorshaha tubta nabada Soomaaliya ee Road Map-ka.
War saxaafadeedku waxaa kale oo lagu xusay in khilaafyada baarlamaanka ay sidoo kale caqabad ku noqon karaan dadaalada nabada iyo dib u hishiisiinta iyo hawlaha ay Soomaaliya ka wadaan ciidamada midawga Africa ee AMISOM.
Gudoomiyaha ururka midowga Africa waxaa uu hadalkiisa ku taageeray go’aankii ay dhaawaan qaateen wasiirada arrimaha d ibbadda IGAD oo ahaa in tilaabo cad laga qaado cid kasta oo loo arko inay carqalad ku tahay nabadeynta Soomaaliya waxaana uu sidoo kale soo dhaweeyay go’aankii ay qaateen gudiga amaanka dawlada KMG ee Soomaaliya.
Xildhibaanada baarlamaanka ayuu ugu baaqay inay iyagu xaliyaan khilaafka ka dhex taagan isla markaana ay ixtiraamaan qodobaddii hishiiskii Kampala si loo gaaro xal waara oo Soomaalidu hesho.
Khilaafka baarlamaanka oo ay wadamada beesha caalamku qaarkood ka hadleen ayaa sababay in xildhibaanadu qaarkood xilka ka qaadaan Shariif Xasan iyagoona doortay Madoobe Nuunow, baarlamaankuna hadda wuxuu leeyahay labo gudoomiye.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|