91.9FM Codka Beesha

Home

Maxmuud Wardheere la mood noqonse waa!

Aug,22.2004 Radio Free Somali (RFS)

Maxaad ka taqaanaa qab qablayaasha ku qarabta magaca bulshada Soomaaliyeed ee America.

Wardheere waxaa la mooday xidig siyaasi ah oo u soo baxay soomaalida maray kanka Rising Star mase noqon waayo ma ahayn nin ku haboon hawshaas oo waa looga haboonaa waxaana lagu riixayaa inuu noqday danayste. Markii la maqlay
nin Soomaali ah oo doorasho isu soo taagay maraykan ka dibna bilaabay inuu sanatoorka Minnesota kala taliyo arrimaha Soomaalida dad badan waxay ka filayeen inuu xafiiskaas u faa’iideyn doono Soomaali badan iyo soomaaliyaba hase yeeshee ma dhicin. Wardheere isticmaalka ku qaraabashada dadka madow iyo qaxootiga waxaa uu waday ilaa 2001 markaas oo uu soo shaacbixiyey xisbi aan jirin oo uu oogu yeeray xisbiga codadka cusub.

Wadere waa nin ku liita xataa xagga fahamka iyo la shaqaynta odayaasha taasina waxay cadaatay markii uu ololaha doorashada galay oo uu la taliyeyaal iyo mutadawaciinba u doontay ardadii yar yarayd ee dugiyada sare dhiganaysay
. Xaflado badan oo ii dheh looga dal leeyahay iyo is ka gadid ajnabi ayuu qabtaa mar walba sida habeenka waxbarashada Soomaaliyeed iyo waalidiinta iyo ardayda ama xuska taariikhda dadka madow wax uu oogu yeeray. Nasiib darohal oday kuma arkaysid waxa la qaldaa marwalba waa ardada yar yar haddiid
aacadnimo looga jeedo maxaa odayaasha loo waayey.

Wardheere waa nin nag nagle ah oo had iyo jeer madaxda hoos orda oo ku qaraabta magaca Soomaalida. Waa nin ka weec weecda qalabka warbaahinta ee tooska ah sida Radiyayaasha ama Telefishinada maraykanka waxaa uu ogyahay in lagu cunayo doodaha waxaana uu doorbidaa journaalda oo aad markasta ku arkaysid wax aan buurnayn oo la leeyahay waa uu qabtay. Wardheere weligii soom
aaliya xilkama soo qaban waayo aragnimo maamulna ma leh.

Warhdeere waxaa kale oo uu waqti badan geliyaa shabakadaha internetka Soomaalida oo uu uga jeedo halagu barto oo keliya. Baaqyo nabadeed oo been ah iyo waanooyin aan sii buurnayn ayuu dadka ku qaldaa si loo barto ama la isu
yiraahdo waa nin wanaagsan itoobiyana marwalba eedayn ayuu kula galgashaa mararka qaar ayadoo uusan wax xaqiiqo ah ka hayn. Wardheere waxaa balwad u noqotay internetka ilaa uu aamino inuu yahay ninkii ugu horeeyay oo soomaali ah oo ku ololeeyo hab doorasho shabakadda internetka taasi waxay cadaynaysaa inuu internetka qaladka fahmay.

Wardheere hadda waxaa uu u shaqeeyaa sanatoorka Bush u qaabilsan ololaha dib u doorashada Bush waa Coleman waxaa loo shaqaalaystay waa in dadka soomaalida Minnesota iyo madowga ama qaxootiyada codkooda uu soo jiido oo keliya
mana u eka dadka soomaalida oo dan yar ah inay u codeyn doonaan xisbiga maalqabeenada ee iyo Bush. In badan waa isqariyey Wardheere in ay soomaalidu aragto asagoo danta Republicanka u adeegaya waxaana uu marwalba yiraahdaa
danta Soomaalida ayaan meesha u joogaa hase yeeshee waxaa la soo gaarnay xilliga biyo iyo budo loo kala bixi lahaa sababtoo ah doorashadii ayaa soodhowaatay waxaa la filayaa in la soo diro ---su’aasha waxa ay tahay muxuu
kala kulmayaa haddii loo soo diro inuu codka soomaalida ama madowga ama qaxooyiga keeno? Jawaabta waa weji gabax! Waayo xisbiga Bush dadkaas waxba uma qaban.

Soomaalida ku nool Minnesota iyo maraykanba dantooda waa garteen waxayna isu abaabulayaan inay codkooda siiyaan xisbiga demoqraadiga ama xisbiga dadka danta yar. Minnesota waxaaba laga furay xisbi soomaaliyeed oo la yiraahdo
Somali American Democratic Party arrintaas oo Wardheere ku noqotay wax uu ka naxo ama uusan ku farxin.

August 30 maraky tahay waxaa naga xiga qiyaastii wax ka yar 10 beri magaalada New York waxaa ka furmaya Republican Party Convention waxaana aad loo raadinayaa dad madow oo meesha lagu quruxsado. Sida laga warqabo ma heli ka
raan dad madow oo ayaga la safta kuwa danaystayaal ah mooyee oo aan umadooda waxba ugu ool sida Colin Powel, Condoleze Rice, Paige iyo 4 kale oo gubatay waxaana meesha loo geynayaa in shirka lagu quruxsado. Waxaa la filyaa in Wardheere meesha lagu quruxsan doono oo la isticmaali doono midabkiisa madow. Haddii ay saas dhacdo waxay u keeni doontaa cawaaqib xumo. Haddii uu Kerry guulaystona danaystayaasha ama caado qaatayaashaas waa u dhamaanays
aa November 2004. Wardheerena xidigiisii baa dhacayaa -no more rising star Labada qalad oo uu wardheere galay waxay kala yihiin:

1) Inuu ku biiray xisbiga maal qabeenada iyo cadaanka republican asagoo dadkiisa ay yihiin sabool qaxooti ah. Sanadkii 2002 waxaa loolan galay murashax Norm Coleman iyo Senator Paul Wellstone oo ay soomaalida aad u jeclayd waayo wax badan ayuu taray waxaa soomaalidii ka yaabiyay Wardheere oo la saftay Coleman oo uu watay Mr. Bush. Coleman fursad ma lahayn laakiin ninkii la tartamyey ayaa diyaarad la dhacday waa Sen. Paul Wellstone sidaas ayay Coleman iyo Wardheere nasiib ku heleen maahee haddii uu noolaan lahaa daaqadda ayay ka bixi lahaayeen. Halkaas ayay ka bilaabatay ismaan dhaafka Soomaalida iyo asaga.

2) Wardheere waxaa uu degan yahay magaalo dadkeedu u badan yihiin wada demoqraadi markii ay maqleen in wardheere raacay republican xiriirkii waa u wada jareen sidaas ayuu ku seegay saaxiibo badan oo uu heli lahaa haba ugu horeeyaan saaxiibo badan oo African American ah oo uu hore u kasbaday soomaalidana waxaa uu u soo jiiday weji gabax!. Wardheere waxaa uu ku kacay waa qamaar siyaasadeed oo qaldan political suicide oo ah inay dhamaatey career kiisii siyaasadda oo uusan magaalada uu degan yahay mardanbe rajo ka yeel
an karin inuu ku guulaysto.

Wardheere hal sano keliya ayuu isu maray saddex xisbi oo kala ah Green Party, Democratic Party, iyo Republican Party taas oo macnaheedu yahay waxaa uu xisbiyada isugu bedeshay sida shaararka taas oo macnaheedu yahay ma uusan
fahmin American political system iyo inuu lumiyay kalsoonidii oo aan mardanbe uusan qowl lahayn.

Wardheere waa ku fashilmay siyaasadda maraykanka dhex dabaalashadeeda!

Hassan warankulule

warankulule@yahoo.com


Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Radio Free Somalia
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Radio Free Somalia





Muqaalka Som

 

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 

 

Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   




|Privacy | webmaster@radiofreesomalia.com