91.9FM Codka Beesha

Home

Xaflad loogu talagay Madaxweyne Abdullahi Yusuf ee ka dhici lahayd Mineapolis oo ay af-duubeen Karry iyo Edward dad u olelaynayay (Hasan Warankulule)

Oct,18.2004 Radio Free Somali (RFS)

Minneapolis: Xafalad loo sheegay dadka in lagi taageerayo dawladda Somaaliya iyo Madaxweyne C/Yusuf ayaa waxaa af duubay oo qafaashay taageerayaasha John Kerry iyo Edwad. Arrintaasi waxay dhacday bishan 14. Shairka waxaa lagu qabtay Minneapolis Convention Center xafladdas oo bilaabatay shanta galabnimo socotayna ilaa saqda dhexe ayaa hal mar waxaa weerar ku soo qaaday Soomaali u ololaysa Kerry/ Edwad.

Ma la oga xiriirka ka dhaxeeyey ayaga iyo kuwa xafladda abaabulayey. Taageeryayaasha Kerry oo ah Soomaali waxay dadkii meesha yimid u qaybiyeen calaamadihii Kerry waxayna dadka ku dhiiriyeen inay u codeeyaan Kerry haddii ay dhalashada maraykanka haystaan.

Lama oga sida ay ku soo dhaafeen iridka waxaase iska cadayd inay ahaayeen kuwa aan ixtiraamayn dadka. Oday ka mid ah dadkii lacagta xafladda bixiyey oo yiri waxaan bixiyey lacag badan anigoo u malaynayo in xafladdu leeyahay C/ Yusuf ayaa ku qayliyey:


Xafladii C/Laahi ee Minneapolis waxaa boobay Kerry
Kerry waa kuma?
Maba naqaanee xaggee buu nooga yimid?
Yaa meesha keenay?
Maxaa hore naloogu sheegi waayey? Xafladdii aan lacagta ku bixinay waa haleeyeen oo si xun bay noo galeen.

Odayga waxaa uu hadalka ku soo gabo gebeeyey haddiii aan sidan ognahay lacagna ma bixinayn mana nimaadneen. Caruurta qaarkood oo la weydiiyey qofka xafladdan iska leh waxay ku jawaabeen In Kerry loo dhigay oo aanayba ogayn xafladdan taariikhiga ah iyo madaxweyne C/ Yusuf

Dadka shirarka abaabulaa waxaa fiican inay daacad noqdaan oo ku ekaadaan waxa shirka lagu magacaabay ee aan la bedelin ajendaha.

Hassan warankulule

warankulule@yahoo.com


Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Radio Free Somalia
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Radio Free Somalia





Muqaalka Som

 

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 

 

Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   




|Privacy | webmaster@radiofreesomalia.com