 |
 
Haddaan
Laascaanood qabsanno bililiqo iyo aqoosi caalami ahba waan helaynaa!
Nov,8.2004 Radio Free Somali (RFS)
Qoraalkan looma jeedo in Isaaq oo dhan lagu aflagaadeeyo
waayo Isaaqa waxaa ku jira kuwo badan oo nabadda iyo deris wanaagga
iyo islaanimada aaminsan iyo weliba walaaltinimada iyo Soomaalinimada.
Isaaq waxaa ku jira kuwo badan oo ka soo horjeeda gardarada ciidanka
ku soo duulay Laascaanood ama dulfadhiya oo hadday awood u leeyihiin
goor hore ka qaadi lahaa meesha una cafis weydiin lahaa laakiin adduunka
maanta dadka sharta badan ayaa ku gacan sareeya meel kasta oo waakaas
aad arkayso in USA Bush laga soo doortay Afganistaan Kaarsai laga
soo doortay Soomaalina inaty isutagay ay dooratay C/ Laahi Yusuf Ciraaqna
Calaawi laga doortay. Waa duni ninkii gardan guulaysto. Waa duni ninkii
dagaal qaadaa la jeclaanayo.
Hadalkan waxaa aaminsan Isaaq Isaaqu kuwooda soo duulay oo hadda dul
fadhiya laascaanood.
waxay aaminsan yihiin anagu ma soo duulin ee keliya waxaan dulfadhiyeynaa
laascaanood. waayo waxaa u muuqda bililiqo iyo aqoonsi caalami. Aqoonsiga
ku xiran laascaanood waa waxa soomaalida ka fajaciyey. Soomaalida
waxaa ay weli fahmi la yihiin waxa Isaaq Soomaalinimada, Islaanimada,
Walaaltinimada, Ramadaanka, iyo deris wanaagga u qadin la'a yihiin.
waxa caqliga tiray oo ay u leeyihiin annagu cidna wax yeelimayno ee
waan dulfadhiyeynaa (daandaansi) waxaa kale oo ay yiraahdaan qabiil
Soomaali waa ka gudubtay ee waxaa la gaaray qaranimo.
Haddii qabiil laga gudbay oo qaranimo loo gudbay miyey soomaali isdili
lahayd. Miyaa madax laga dhigi lahaa denbiilayaasha uu dhalay ama
asaasay c/laahi yusuf sida SSDF, SNM, USC. Haddii qabiil laga gudbay
miyaa maanta ciidan isaaq laascaanood dul fadhiyi lahaa. Haddii qabiil
laga gudbay soomaali horumar weyn bay ku talaabsan lahayd. Isaaq qayaali
inuu ku noolaado ayuu ka doortay inuu fahmo xaaladda dhabta ah ee
Soomaali maanta ku sugan tahay.
Hadaba si aan u fahamno sababta dhabta ah ee Isaaq ugu soo duulay
Laascaanood ama ha korfadhiyo ama ha weeraro ayaan baaritaan ku samayna.
waxaa ogaanay in ay ka dhalatay booqashadii uu dhowaan hargeysa ku
yimid wasiirka Africa (Mustacmarada). Sida aan ilo xog ogaal ah oo
diiday inaan magacooda noo sheegaan nabadgelyo awgeed ka helnay
wasiirka Ingiriiska wuxuu ku yiri "Isaaq haddii aad qabsataan
Laascaanood aqoonsigiina waa diyaar , si aan idiin aqoonsano qabsada
laascaanood markaas dunida oo dhan waa idin aqoonsanaysaa waxaadna
carqalad gelinaysaan in Soomaaliya aanay dawlad ka dhalan. Haddii
aad qabsataan Laascaanood UN ayaan kursi idinka siinayaa. haddii aad
Laascaanood qabsataan Commonwealth ayaan idinku darayaa. IGAD iyo
AU waan la hadlaynaa. Haddii aad laascaanood qabsataan waxaan idiin
aqoonsanayaa inaad xuduudii soo xirteen iyo inaad mustacmarad daacan
u ah UK ama raaliya u ah tihiin markaasna sadaqo ayaan idinku daraynaa.
Waxaan diyaarinay qorshii hore TREATY dib usoo celino oo aan dusha
idinka ilaalino.
Idinkana hawshiina gudaha maamulataan annagana aan idiin maamulno
xiriirka dibadda ama arrimaha dibadda. Reer Laascaanood ciil baan
u qabnaa oo waa treaty diid (Gumaysi diid) adinkuse waan idin naqaanaa
sidii aad u sharfteen wakiilkii boqradda haddana wakiilkii wiilkiisa
ayaan soo direynaa. Waxaan arkay sidaad wakiilka boqradda isugu fiicnaydeen
waayo waxaan arkay sawirada uu waagaas qaatay hablihiinuna walasaqada
si fiican ayey jaanta isula helayeen ayagoo amaanaya wakiilak boqoradda
iyo calanka boqoraddaba.
Lax gawracan geedo kama waabato.
Isaaq oo intaas maqlay iyo amaan ingiriis yaa ka celinaya laascaanood.
Hadda waa korfadhiyaan mana ka tegayaan ilaa wax ay ku tagaan la tuso.
Usbuuca danbe ayaan soo bandhigaynaa sababta keentay in siyaasiyiinta
Isaaq yiraahdaan Soomaalida qabiil waa ka tagtay oo waxay gaartay
heer qaran. arrintaas oo aan wada og nahay inay qalad tahay ayaan
daraasaad ku samayndoonaa waxa keenay ee la soco.
Hassan warankulule
Hassan
warankulule
warankulule@yahoo.com
 Opinions
expressed in this columns are those of the authors and not necessarily
those of Radio Free Somalia
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo
tan Radio Free Somalia
 

|
|

|

 |