|  
Somaliland oo agoontowday Mudane Cigaal dabadii.
Dic,23.2004 Radio Free Somali (RFS)
Somaliland markii Cigaal ka talnayey waxay ahayd
dal sharaf badan oo la qadariyo. Cigaal wuxuu ahaa siyaasi gaamuray.
Bal fiir qisadaan runta ah.
Xuduuda somaliland muran kuma jirin. aqoonsiga waa soo dhowaa Saddex
gabdhood oo reer Boosaaso ah oo u socday Addi Ababa ayaa ku hakaday
Hargeysa. Waxay is tuseen inay
Madaxweyne cigaal salaamaan. Markay xafiiska tageen oo warkooda loo
geeyey cigaal isla markiiba waxaa uu yiri ii soo daaya waana qaabilay
waxa uu weydiiyey waxa keenay xafiiska. Waxay u sheegeen inay Madaxweyne
Cigaal u aqoonsan yihiin oday Soomaaliyeed oo ay jeclaysteen inay
arkaan maadaama ay hargeysa joogaan.
Cigaal waa soo dhoweeyey weliba siiyey qadar lacag
ah.
Inkastoo markii hore ay diideen inay qaataan haddana waa uu ku qasbay.
Gabdhihii ilaa AddisAbaba waxay la wadaageen sida ay Cigaal ula kulmeen
iyo waxa ay kala kulmeen.
Aqristow maanta haddii 3 gabdhood oo Boosaaso ka
yimid tagaan xafiiska madaxweynaha saw lama xireen saw lama yiraahdeen
waa argagixiso ama waa jaajuusiin. Cigaal ka din Somaliland waa habeen
dumay.
1) Ogaadeen xabashi loo dhiib
2) Hawiye Hargeysa laga sifee oo la soo tarxiil
3) Laascaanood lagu soo duul oo waxaaba la yiri bililiqo iyo aqoonsiga
caalamiga waxaan ka heli karnaa Laascaanood.
4) Sam sam la kufsay lana xir laguna xadgudub ilaa adduunku arkay
xaquuqal insaaka sida loogu tunto Somaliland.
5) Boqor la xiro iyo gabar 16 jir ah oo lagu sheego argagixiso Cigaal
waqtigiisii ma dhacdeen.
Riyaalow sow Cigaal meelna kama gaartid.
Hassan
warankulule
warankulule@yahoo.com
 Opinions
expressed in this columns are those of the authors and not necessarily
those of Radio Free Somalia
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo
tan Radio Free Somalia
 

|