|  
Qoraa Nuuradiin & Abwaan Hadraawi dhinacooda kale
Dic,24.2004 Radio Free Somali (RFS)
Abwaan Hadraawi waa nin abwaan ah oo aad hadda wax
u fahamsan. Waa ninkii sameeyey socdaalkii nabadda.
Hadraawi rekoorkiisa waa fiican yahay marka lagga reebo hal ceeb ama
hal qalad. Waana uu jeclaan lahaa inuu qirto laakiin duruufo ayaa
u diidaya.
Waa
maxay qaladka uu galay?
Marbaa inuu xanaaqay ama la duufsaday waxaa uu ku
biiray colkii Abdilahi Yusuf waa SNM waxaa uu maray wadadii xumayd
ee uu bilaabay A/lahi waa waa jabhad noqosho iyo dalkaaga oo lagu
soo duulo waa dadkaaga oo aad halaagto iyo kana horgayso xukuumad
aanay iska celin karin. Hadraawi nasiib darro Colkii Ethiopia aaday
oo hubka soo qaatay ayuu ka mid yahay kuwaas ceebtooda iyo shalaytadooda
dawo ma leh. Ethiopia ayaa isticmaashay.
Waa wadadii iyo caqligii uu bilaabay C/laahi Yusuf
SSDF SNM SPM USC. Waxaa Hadraawi iyo c.lahi yusuf iyo kuwa la mid
ka ah la gudboon inay cafis weydiistaan shacabka Soomaaliyeed.
Qoraa
Nuurodiin
Waa nin qoraa weyn ah oo Soomaaliyeed waa qoraaga
ugu caansan Soomaalida. Waa nin aan amxaaro ku adeegan weligii oo
record fiican leh laakiin asagana qalad weyn ayuu galay qaldkiisa
kama yara kii Hadraawi.
Qaladku waa Inuusan weligii buug afsoomaali ah uusan
qorin xataa hal buug taasoo markii ay caruurta soomaaliyeed ogaadeen
niyad jebin ku riday.
Nuuradiin qaladka waxaa u geeyey lacag raadin buug
afsoomaali ah yaa kaa gadanaya. waxaana uu marmarsiiyo ka dhigtaa
Soomaaliya 36 sano ayaan ka maqnaa. ama afsoomaali fiican oo aan buug
ku qora ma aqaan.
Hadraawi asagana waxaa uu yiraahdaa dadkaygaa la
leynayey. Hadraawi waxaa ay ahayd inuu kuwii jagooyinka keliya u dagaalamayey
ee ahaa madaxda SNM inuu ka soo celiyo oo uu ku yiraahdo qaladkii
C/laahi ha raacina dadkiina ha qixinina laakiin asagiibaaba raacay.
Hadraawi xataa dadkiisa ma oran ha rraacina jaahiliinta SNM yeysan
idinku dangaarin ama jaraanjari idinka dhigan
Labadan aqoonyahan ama abwaan sidan qiil uma noqonayso
laga mana yeelayo waayo ayaga jaahiliin maahan ee waxaa laga filayaa
inay hogaamiyaan bulshada oo dhan Tusaale fiican noqdaan
Qoraalkan ma ahan mid lagu caynayo 2 abwaan ee waa
mid loogu nasteexaynayo waana inay isgartaan qaladkooda oo qirtaan
ka dibna cafis weydiistaan shacabka.
Hassan
warankulule
warankulule@yahoo.com
 Opinions
expressed in this columns are those of the authors and not necessarily
those of Radio Free Somalia
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo
tan Radio Free Somalia
 

|