91.9FM Codka Beesha

Home

Dahir Riyaale oo beeniyey in S/land ka gudubtay qabiil iyo gobolaysi

Dic,27.2004 Radio Free Somali (RFS)

Dadka taageera Somaliland gar iyo gar daroba waxa ay ku doodi jireen in Somalilnad ka gudubtay qabiil iyo gobolaysi iyo iyo Laascaanood duulaan lagu qaado si loo biliqaysto aqoonsi caalami ah loo helo. Haddii laas caanood la soo qabto xuduudii waan xirnay aqoonsi caalami ah waa diyaar.

Madax meel ka sareeyso oo la taabto maleh - Riyaale aakhirkii hadal- muxuuse yiri?

Sida la wada ogyahay dadka taageera gooni isu taagga Somaliland waxa ay ku doodi jireen in Somaliland ka gudubtay habka qabiiliga una gudubtay hab qaran ama dawli ah inta diidan sida dhul bahante iyo warsan geli xoog lagu hoos keeni doono (haddii la awoodo)Somaliland oo ciidannna loo diray laakiin Somaliland aanay ka jiri doonin qabiil wax ku qaybsi. Sida la wada ogsoon yahay dhowaan waxaa geeriyooday nin ka mid ahaa election commissioner xubin gudiga doorashooyinka booskiisa waxaa xaq u lahaa inuu qof u soo magacaabaan labada xisbi ee mucaaradka ee UCID iyo KULMIYE ka dibna uu madaxweynahu ogolaado.

Xaqii baa dilaacay -garadaradii baa la qarin waayey- Somaliland qabiil waa ka gudubtay doodii ahayd waa ku daysay Thanks to Dahir Riyaale.beentii lugteedii baa la qabtay

Madaxweyne Dahir Riyaale waxaa uu yiri gobolka Awdal la qadin maayo booska iyagaa lahaa waa in qof reer Awdal ah la keenaa.Riyaale labo goor ayuu diiday Eng. Maxamed Xaashi oo ka mid ahaa denbiilayaasha maxkamadda sugaya ee SNM in loo doorto gudiga doorashada.

Somaliland waxaa ka buuxa dad badan oo colaadda daaroodka iyo hawiyaha lagu qanciyey oo xataa haddii aad maqaayad tagto waxaad arkaysaa wax aan koofur laga garanayn oo ah dad waaweyn oo faqash daarood ama hawiye ku caytamaya waana wax laga naxo waxay u baahan yihiin dhaqan celin iyo wax barid badan. qofka markii uu wax barto dadka ma naco mana caayo waana xishoodaa laakiin jaahilow xishood ma taqaanaa.?

Dadkaasi waa kuwa soo tarxiilay Hawiyaha iyo daaroodka kuwa ku harayna caga juglayn iyo cabsi gelin ku haya. Ogaadeen amxaaro u dhiibay. Abu qaraib kii Samsam iyo sharciyaqaandeedii xiray. Waa dad laga buuxiyey Somali nacayb. Dadka fiican ee ku jiraa waa laga batay.

Taagrreayaasha Somaliland gar iyo gar darroba waa ka xumaadeen hadalka ka soo yeeray Riyaale waayo doodoodii buu soo afjaray. Awdal ayaa booska iska leh. waa in habka gobolaysiga laga tegin ayuu yiri mudane Riyaale oo badanaa aan hadlin markii uu hadlana ilooba beentii reerka deriskiisa ay isku ogaayeen. Riyaale oo ahaan jiray NSS ayaan siyaasadda aqoon Somalilanna u rogay meel dadka lagu sheego argagixiso oo la geliyo godka NSS (wixii uu ka soo bartay macalinka)

Markii uu Cigaal joogay Somaliland waxay ahayd meel la baryo in lagu soo biiro ama laaluush la isku dayo in la dhiibo soo gelitaanka S/land waxay ahayd guul weyn maanta dadka waa lagu qasbaa oo ciidan baa ku duula oo qasab raba inuu dadka Soomaaliland uga dhigo mana dhici karto eeda yaa leh ?Somaliland maanta ayey ugu liidataa Cigaalna u darsatay.

Somaliland waa qaran oo qabiil waxba kuma qaybsanno mala maqli doonaa?

Madax meel kasareysa oo lataabto ma leh Mudane Daahir Riyaale waa hadlay - xaqii ugu danbaytii waa cadeeyey laakiin waxaa laga rabain inuu sidaas waa hore ugu sheego kuna dhaqmo.
Ma sir fakataa mise been la qabtay?

Hassan warankulule

warankulule@yahoo.com


Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Radio Free Somalia
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Radio Free Somalia





Muqaalka Som

 

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 

 

Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   




|Privacy | webmaster@radiofreesomalia.com