91.9FM Codka Beesha

Home

Abdilahi Yusuf/Gedi waa inay cafis weydiistaan dadka Soomaaliyeed

Jan,17.2005 Radio Free Somali (RFS)

Waxaa dhowaan kenya lagu soo dhisay dawlad Soomaaliyeed oo la filayo inay dalka timaado. Sida muuqata dadweynaha Soomaaliyeed waa ku daaleen fawdada iyo dawlad la’aanta ay jabhadaihii indhaha la’aa oo maan gaabka ahaa badeen shacabka Soomaaliyeed. Waxaa cad in dadka Soomaaliyeed ay maanta ku faraxsan yihiin dawladooda cusub soona dhoweynayaan. Waana xaq in la taageero dawladeena waayo qof ma leh Soomaali oo dhan ayaa leh ilaahay haka dhigo mid
wareerka ka saarta oo lagu dego (naruuro & Nasteexo)

Laakiin ............

Maanta bal aan eegno waakuma C/yusuf/Gedi/Xuseen Caydiid?

C/lahi Yusuf waa asaasihii SSDF USC SNM SPM ama aabaha u ahaa ama wadada dulliga u falay. Waa ninka Ethiopia u adeegsatay rididda dawladdii Soomaaliya waana nasiib darro maanta in madaxdii USC ee Siyad Barre riday u sacab tumaan oo soo dhoweeyaan nin 100% ka liita oo aan lahayn wax la yiraahdo wadaniyad (timirta goo tii tiinna beer). Waa nin garanaya sida dawlad loo rido ee aanan garanayn sida dawlad loo dhiso iyo qiimaha ay dawladi leedahay.

Gedi: Dadka waxaa ay u haysteen nin aqoon yahay ah oo nadiif ka ah jabhadihii dembiilayaasha ahaa oo aanan ka qayb qaadan daadinta dhiiga Soomaalida laakiin sida ay soo ogaadeen journaalada Kenya sidaas ma ahan. Dr. Xoolaha nasiib daro sidii abwaan hadraawi ayuu mar sibiibixday oo galay jabhadihii danbiilayasha. Recordkooda waa la hayaa.

Hadraawi mar wadadii C/Yusuf oo amxaaro u tag oo noqoy jabhadda SNM. Geedina noqoy USC. Waxaa ay journaalada Kenya qoreen inuu mar ku biiray liiskadenbiilayaasha USC oo uu la taliyeyaal u noqday Caydiid iyo Cali Mahdiba.
Dr. xoolaha mar wadadii C/laahi Yusuf oo iskama ilaalin recodka xun ee USC Recorka qof walba waa lahayaa.

Xuseen Caydiid: Hadda ka hor ayaan wax ka qoray xuseen caydiid oo ku eedeeyey inuusan bad baadin aabihii oo ku waashay dhiiga Soomaalia ilaa laga dilo. Waxaan cuskaday in xuseen waayo aragnimo ka soo helay galbeedka oo uu g
aranayey astaamaha mental issues iyo sida daawo loogu heli karo waayo haddii uu rabo waa uu gayn karay hospital aabihii mase yeelin. Maanta Xuseen waxaa uu u muqdaa qofka lama xaqiro qof ka duwan madaxdii USC oo gartay qaladkii ay USC gashay iyo inay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay marlabaad dawlad helaan.

Waxaa uu shaaca ka qaaday inuu ka hor marinayo danta Soomaalida wax kasta waxaana uu bilaabay inuu si dhab ah uga shaqeeyo sidii ay dawladda Soomaaliyeed ugu soo laaban lahayd Xamar . waxaa uu diyaariyey madaxtooyadii hore iyo raadiyo muqdisho. Xuseen oo nin dhalin yaro ah waxaa uu fahmay isbedelka dabaysha waxaana uu ogaaday in sida hadda xamar tahay ay u dhaanto dawlad Soomaaliyeed markii horena ayba qalad ahayd in la rido. Taasi waxay u keeni doontaa in uu sharaf iyo ixtiraamba ku helayo.. Gedina waa la gartay oo dawladdii asaga ayuu faraha ka saaray waxaana Xuseen laga dhigay ku xigeenka Gedi ah wasiirka arrimaha gudaha.

Sadeexdan nin maxaa ka qaldan oo weli ka dhiman?Cabdilaahi Yusuf weli afka kuma balaarin inuu shacabka cafis weydiisto. Inuu Siyad Barre cafis weydiisto. Inuu qiro inay qalad tahay in dawlad Soomaaliyeed la rido ama mucaarad lagu noqdo ama jabhad lagu noqdo. Cabdilaahi asagaa maanta u baahan in dawladda Soomaaliyeed lala dhiso welina ma qiran inay qalag ahayd inuu qalad sameeyey markii uu dawladdii Soomaaliyeed ridayey. Gedi iyo Xuseen Caydiid ayagana waa inay cafis weydiistaan shacabka waana inay sheegaan qaladkii ay shacabka ka galeen.

Cabdilaahi waxaa dusha ka saaran qaladkii SSDF USC SNM SPM iyo dhamaan jabhadihii iyo warlordskii Soomaalida silciyey. Dhibtii Soomaalidii dhimatay ama qaxday ama badaha ku ba’ay ama dalkoodii 15 loogu haystay qafaal waxaa uu
madaxa ka saaran yahay C/laahi Yusuf. Asagoo ku hadlaaya magaca dhamaan jabhadaha iyo warlordska iyo wixii riday dawladdii Soomaaliya iyo wixii dhibu gaystay Soomaalia waa inuu qaladkoodoo qiraa oo uu cafis u weydiiyaa.

C/lahi Yusufow adiga ayey kuu dan tahay inaad cafiskaas weydiisato dadka Soomaalida kana faa’iideyso ciida Carafa waad ogtahay waxaad fashay!

Hassan warankulule

warankulule@yahoo.com


Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Radio Free Somalia
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Radio Free Somalia





Muqaalka Som

 

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 

 

Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   




|Privacy | webmaster@radiofreesomalia.com