91.9FM Codka Beesha

Home

Cumar X. Masalle iyo Qanyare la mood noqonse waaye!

Sep,3.2004 Radio Free Somali (RFS)

Cumar Xaaji Masalle waxaa uu ka mid ahaa dadkii uu xirey keligii taliyahii Siad Barre ayagoo isxigay. Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa u malaynayay in Cumar yahay nin halyey ah oo qabiil ka xoroobay oo dadkiisa rabay inuu ka badbaadiyo keligii taliyaha xilli beeshooda lagu eedeynayey inay ku fashilmeen inay Siyad Barre meesha ka dejiyaan sidaasna loo xiray. Waxaase cadaatay in Cumar ahaa doqon sida doqomadii badnaa ee Siyad Barre xiri jirey sida Caydiid iyo Cabdulahi Yusuf. Markii la riday dawladdii qaranka oo uu markii u danbaysay ka talinayey keligii taliye Barre oo dadka iyo dalkiiba jabhado badow ah ciida ku rogeen. Siyad Barre inkastoo uu ahaa nin keligii taliye danbiile ah hadana qabiili uma ahayn sida loo malaynayo qabiili haddii uu yahay Gedo waxaa uu ka dhigi lahaa sida Sanawi hadda ka dhigo gobolka tigrey (Barwaaqo iyo ismaamul hoose iyo horumar adag) qabiili waxaa la yiraahdaa qofka sida sanaawi oo kale ah.

Wadaado Soomaaliyeed ayaa isugu ururay LUUQ iyo Beled Xaawo oo ka dhigay meel nidaam ka jiro iyo ammaan iyo shaqo iyo barwaaqo iyo magaalo islaam. Cumar Xaaji waxaa qaaday jaahilnimo iyo qabiil waxaa uu yiri wadaadada wixii aan mareexaan ahayn (hawiye) gobolka halaga raro markii la yiri waxaad ku hadlayso macquul ma aha annagana waxaan nahay walaalo qabiil ka fayow waxaa uu aaday Ethiopia sida doqomadii hore ee Abdulahi Yusuf iyo Caydiid iyo Jees, iyo Tuur.

Sida caadada u ahayd Ethiopia qofkii soomaaliyeed ee soo xanaaqo ama rabo inuu dadkiisa gubo ama qaxiyo waxay ugu deeqdaa hub iyo ciidan iyo talo iyo lacag. Doqomada soomaaliyeedna maba ka fikiraan cawaaqibka danbe iyo inay tahay wax xun in ay dadkooda gubaan ama dilaan ama qixiyaan. Waa niman aan fahmi karin dhibta caruurta Soomaaliyeed ay u gaystaan inay ku soo noqonayso- waa niman aan iimaan iyo caqli lahayn oo rag iska dhici keliya yaqaan xataa haddii uu reerkooda gubanayo. Waa niman aan fahmi karin in la adeegsado ee aaminsan inay ayagu wax adeegsadaan.waa nasiib daro haysta soomaalida inay dad noocaas ah ka dhashaan.

Cumar oo wato ciidamo Ethiopian ah ayaa luuq iyo Balad Xaawo gubay dadkiisii qaxiyayna caruurtiisii Soomaaliyeed. Maxaase ka danbeeyey? In ilaa hadda gedo degi weyso oo dagaalkii uu bilaabeen weli socdo. Xataa asagiibaa gedo ku noolaan waayey. Maanta waxaa uu ku raaxaystaa oo degen yahay UK. Haddii uusan ku noolaanayn meesha muxuu masaakiinta dabka ugu shiday?Waa in uu cafis weydiistaa reer gedo gaar ahaan caruurta uu nolosha seejiyey.

Qanyare waa nin Soomaaliyeed oo ku korey dhulka iyo dheefta soomaaliyeed hantina yeeshay waxaa la filayey inuu wadanka wax ku soo kordhiyo ka shaqeeyo nabadda iyo isukeenidda iyo isusoo dhoweynta shacbiga walaalaha ah ee soomaaliyeed waxaa la filayey inuu ka fiicnaado doqomada kale ee abdilahi yusuf, Ali Mahdi Caydiid, Moorgan, Cumar Xaaji masalle Cabdiraxmaan tuur Siayad Barre - dhamaantood waa doqomayaal Qanyare inuu ka fiicnaado ayaa la filayey hase yeeshee waaba ka daray. Waa nin taariikh xun reebtay- waa nin qabiil u dagaalan ku waashay- waa nin dhiig badan oo Soomaaliyeed daadiyay weliba waa nin inkastoo hadda uu ka shalaayo in badan afka ku balaaiyey qabiilada soomaaliyeed ee uu necbaa dadkana ku dhiiriyay inay laayaan. waa gacan ku dhiigle waxaa uu awooday inuusan badan gelin ee uu denbi la'aan eed la'aan sasla'aan ku raaxaysto dinida inta yar ee u hartay waxaa uu ka doortay dulinimadan.

Qanyare waxaa u haboon inuu cafis weydiisto shacbiga soomaaliyeed oo uu dhuunto inta laga iloobayo.

 

Hassan warankulule

warankulule@yahoo.com


Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Radio Free Somalia
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Radio Free Somalia





Muqaalka Som

 

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 

 

Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   




|Privacy | webmaster@radiofreesomalia.com