|  
Na soo tarxiila bal aan is aragnee kuwa dawlad la’aan na dhigay
iyo annaga
Jan,18.2005 Radio Free Somali (RFS)
Dhowaan waxaa la filayaa dad Soomaaliyeed oo badan
in laga soo tarxiili doono dibadaha gaar ahaan galbeedka. Dalalkaas
oo ku faani jirey inay yihiin dad aqoon leh oo xuquuqal insaanka ilaaliya
oo demoqraadiyadda iyo freedomka dunida ku fidinaya. Sheegan jirey
inay cadaaladda ku dheereeyaan boorin jirey in dadka kala dhaqanka
ah ama kala diinta ah ama kala midabka ah wada jir iyo deris wanaag
u wada noolaan karaan ayaa bilaabaya inay Soomaalida soo tarxiilaan.
Marka koowaad In Soomaalida la soo tarxiilo wax xun
maahan. Dhabtii waa fiican tahay waayo wadankooda ayey wax u tarayaan.
Ilbaxnimada ay ka soo barteen dunidana waa loo baahan yahaya inay
ku soo celiyaan. Soomaaliyana waa u baahan tahay waayo waa dad ilbaxnimo
soo kororsaday ugu yaraan waxay soobarteen 4 tan arrin, laakiin intan
kuma koobna
1) In haddii meel wax laga rabo sida loo soo kala
horeeyey saf loo galo ee aan la is ku dur durin sidii xoolahii (somaalida).
Saf u gelidda basaska, bangiyada, meelaga tikidhada laga goosto.
2) In aan lagu qoslin qof haddii uu xubin la’
yahay ama aan loogu yeerin xubinta uu la’yahay sida ilay, lugay,
gacamay, afweyne, afey, af qalooc,san go iwm
3) Wadaninimada. Qofku inuu jeclaado dalkiis oo uu
daacad u noqdo ama uusan u ogolaan jabhado ama mucaarad xun ah inay
wadanka burburiyaan ama xataa nafta loo huro oo aan la ogolaan musuq
maasuq. Waxaa la dhihi karaa wadaninimada waa shatga ugu muhiimsan
ee dibadda laga soo barto waayo qurbo joogta waa la ciilaa ilaa la
dhadhansiiyo qiimaha dhulka iyo dawladnimo iyoshacabkiisa.
4) In wada hadal xal lagu gaari karo iyo sabir ama
isu tanaasul. Haddii dawladdu xumaato aan qori la qaadan ee caqli
lagu rido. In la wada noolaan karo ayadoo fikradaha la isku diidan
yahay “accept the differece” iwm.
Maraykanka oo keliya waxaa laga soo wadaa ilaa 8,000
oo qof oo Soomaali ah waxaana ay ku dhawaaqayaan “haybad waxaad
ku leedahay dhulkaaga hooyo- waana lama huraanee hagar li’i
wax ugu qabo waana lama huraanee hagar li i wax ugu qabo”
Dadka qaar waxay ba aaminsan yihiin in Soomaalida
oo dhan xataa kuwa gudaha jooga in mar dibadda la keeno oo qaxooti
laga dhigo si ay u bartaan macnaha dawladda iyo nidaamka iyo wadaninimada.
Waxaa kale oo ay soo barteen habka xukuumadaha loo dhiso ama ayadoo
aan qori la qaadan loo saxo dawladda haddii ay qaldanto.
Dadka ls oo tarxiilayo qaarkood ayaaba ciil u qaba
jabhadihii riday dawladdii Soomaaliya ee u danbaysay sida SSDF USC
SNM SPM iyo warlordska waxa kala qabsada hala dhowro. Dadkaasi waxay
aaminsan yihiin in haddii aanay jabhadahaan ahayn iyo warlordska Soomaaliya
aanay sidan u silicdeen.
Hassan
warankulule
warankulule@yahoo.com
 Opinions
expressed in this columns are those of the authors and not necessarily
those of Radio Free Somalia
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo
tan Radio Free Somalia
 

|