|  
Mudane
Cabdilqasim Saladow Sidaas maahee ka fiirso
Jan,31.2005 Radio Free Somali (RFS)
Marka hore waan ka xumahay in qabiilkaaga ku fahmi
waayey oo lugta ku jiideen. Marka labaad Moghadisho warlordska kula
hareen oo dawladaadii ka hirgeliweydey. Walaalow iyo lacagba aad ku
dayday iyo islaanimaba iyo tolnimaba.
Waxaanse kuu sheegayaa in Soomaalida nabadda jecel iyo wadniyiintaba
meela kasta ha joogaane waqooyi koofur dibad iyo gudahaba ay ku jecel
yihiin. waxaa laguu arkaa nin aqoon leh iyo waayo aragnimo dawladeed
oo soo ahaa mudo dheer wasiir. waxaa kale oo laguu arkaa nin ka qiimo
badan aanan noqonna hal maalin xataa USC iyo SSDF iyo SNM iyo denbiile
dhagar qabe ah. waxaa laguu arkaa qof wadani ah oo ahlu diin ah oo
ku soo aaday waqti adag oo cadow shisheeye iyo mid gudaba(Mogadisho
warlords) isu kaashadeen.
Waxaan kale oo aan kuugu hanbalyeynayaa hamigaaga cusub ee siyaasadeed
iyo xisbiga mustaqbalka waxaanse kaaga digayaa ha gelin qaladkii hore
oo kale oo ah bar yada mogadisho warlords iyo haraddigii madaxdii
USC. Haddii aad raacdo ku bishaarayso inay mar labaad sidii iyo si
kadarn kuu gelayaan. Ha gacan qaadin USC/SSDF hana isla sawirin .
Waad ogtahay inay yihiin kuwii dumiyey qarankii Soomaaliya iyo dawladaadiiba
oo dadka u qasbay in kabaha loo qaado Amxaar/zenaawi iyo Cabdilahi
Yusuf iyo mogadisho wrlords kabo qaadka u ah Cabdilahi. USC iyo Mogadisho
warlords ma heshiin karaan mana is aamini karaan mana kala danbayn
karaan. Shacabka Soomaaliyeed oo ay 15 sano qafaalka ku haysteen ayaa
u xanaaqsan. wiilashii ay laayeen waa la isku haystaa. xoolihii ay
boobeen waa la isku haystaa. waa la isku haystaa wixii madaxda ka
dhigay waa la isku haystaa.
Waxaa ugu horeeya USC Cali Mahdi oo taariikhda dhigayso dadkii uu
laayey iyo dagaaladii sokeeye sokeeye oo uu huriyey. Mudane ha gacan
qaadin hana isla sawirin. Haddii kale waad waayi doontaa taageerayaashaada.
Qof gacmihiisa dhiig ka daayaan wax haku darsanin. Aamin Ilaahay iyo
wadaniyiinta Soomaaliyeed oo kala jooga dunida dacaladeeda.
Ka fogow SSDF SNM USC iyo Mogadisho warlords. Waxaa guusha doorashaada
ku xiran tahay Ilaahay iyo muslimiinta Soomaaliyeed ee wadaniyiinta
oo ku jecel.
_________________________
Hassan
warankulule
warankulule@yahoo.com
 Opinions
expressed in this columns are those of the authors and not necessarily
those of Radio Free Somalia
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo
tan Radio Free Somalia
 

|