|  
Tuur & Siilaanyo&
Jees & Moorgan & Ali Mahdi la mood noqonse waaye!
Sept,8..2004 Radio Free Somali (RFS)
Candiaxman Tuur iyo Siilaanyo waxay wax ku soo barteen
canshuiurtii laga qaadi jiray dan yarta soomaaliyeed waxaana laga
filayey inay wax ku soo kordhiyaan umadda hase yeeshee waxaa cadaatay
inay aadeen cadowga soomaaliya ee Ethiopia halkaasoo gacmo furan lagu
soo dhoweeyey la soo siiyey hubkii ay ku gumaadi lahaayeen dadkooda
iyo dadkooda. waxaa soo raaca Abwaan hadraawi oo asagana mudo yar
qaldamay oo qori qaatay oo ku soo duulay dalkiisii. Abwaanku waa ka
caqli badan yahay doqomada badan ee soomaaliyeed sida Keligii taliye
Siad Barre, Jees, Tuur, Caydiid, Siilaanyo, Moorgan, Qan Yare, Ali
Mahdi, iyo Cumar Xaaji Masalle hase yeeshee Hadraawi sababo jira awgood
hadda ma weydiisan karo cafis Soomaalida kuwa kale maba oga inay qalad
galeen. Waa soo dhowdahay maalintii intii ka nool SNM maxkamad la
soo taagi lahaa.
Dadkii soomaaliyeed ee uy kaleigii taliyaha ciidankiisii
gumaadeen in la dilo ama la qaxiyo ama magaalooyin la gubo waxaa u
sabab ah waa Tuur iyo Siilaanyo iyo jabhadda gashay debi weyn ee dagaal
waa SNM. Haraadigii SNM iyo tuur iyo siilaanyo waxay u haystaan in
dadku eedeyn doonaan keligii taliyaha weligood -maya -maya dadka waa
og yihiin qofkii dawladda ku diriay oo qaxiyey ama ku car cariyey
dawladda dawladduna waxay isticmaashay sharci caalami ah wax loogu
yeero ciribtirka insurgents. Harta shiiq iyo qaxootigii ka badbaaday
waxay maalin uun fahmi doonaan waxa ku car cariyey oo abaabulay dagaalka
waxayna maxkamad saari doonaan haraadigii SNM iyo tuur. Tuur waa inuu
cafis weydiistaa.
Jees iyo Ali Mahdi iyo Moorgan waxaa wax lagu baray
canshuurtii masaakiinta laga soo ururiyey waxay kala garan waayeen
qaranka iyo keligii taliyahii waxayna bilaabeen dagaal sokeeye oo
ay maalgashadeen maanta waxba kama hayaan laakiin weli ma weydiisan
cafis dadweynaha Soomaaliyeed. Sida doqomada kale ee naga dhashay
ceydiid, caato, Cumar X. Masalle, Siyad barre, Cabdilahi Yusuf, Qanyare
iyo muuse suudi iyo maxamed dheere dadkaan weli ma weydiisan cafis
iyo denbi dhaaf.
dhamaan dagaal oogayaasha waxay ku fikirayaan inay
xildhibaano noqdaan ama madaweyne ama ra'iisal wasaare ama gudoomiye
xisbi mucaarad. Umulna ka daran ilowshaha maba oga in rag recordka
qoraa ay jiraan ama in weli umaada soomaaliyeed aysan cafin
Waxay u malaynayaan in qabiilkooda weligii daafacayo
waxay u qabaan in madaxnimo ay u qalmaan. Waxay u qalmaan maxkamad
keliya iyo in laga abaal mariyo waxay umaadda u gaysteen. Waxay ku
nool yihiin cabsi waayo ayagaa dadka soomaaliyeed dilay qaxiyey, facooda
ka reebay. Kama ay fikirin ficilkooda hadda kuligood ama qofkii hal
maalin qori amxaaro u soo dhiibtay oo dilay dad soomaali ah ama ciidan
ha ahaadaan ama shicib. qofkii dilay xataa hal qof oo soomaali ah
waa inu uu silic ku noolaadaa waayo madaxtinimo iska daayoo nolol
xaq uma leh. waa in bulshada laga dhexqabtaa.
Doqomada Soomaaliyeed waxaa ugu caansan
Siyad Barre, Cabdulahi Yusuf, Moorgan, Ceydiid and
his son, Tuur, Jees Siilaanyo, Ali mahdi, Qanyare, Cumar Xaaji Masalle,
iyo Caato.
Isma oga waxayna noo soo gacan geli doonaan ayagoo
ayagoon is ogayn gacan kululna waan ku qaban doonaa. shacbiga soomaaliyeed
weligii mala siri karo mana lakala qaybin karo. kaalayay noo imaada
idinkoo xildhibaano ah waan idiin xiisnay ubaxna waan idinku soo dhoweynaynaa
hogaamiyeyaasheena aan jecel nahow.
Warmoogow Soomaali dilow ama soomaali la dagaalow
waxbaa ku haysta!
Hassan
warankulule
warankulule@yahoo.com
 Opinions
expressed in this columns are those of the authors and not necessarily
those of Radio Free Somalia
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo
tan Radio Free Somalia
 

|